Ciidamada Puntland oo howlgalo ka dhan ah Argagixisada Al-shabaab kawada Buuralayda Gobolka Bari

Date:

Muqdisho-26-7-2022-:Ciidamada kala duwan ee  dowladd goboleedka  Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay hawlgalo qorshaysan saacado badana qaatay  ka fuliyay buuraleyda Gobolka Bari halkaas oo ay ku dhuumaalaystaan kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.

 

 

Cutubyo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo ay weheliyaan Ciidanka Sirdoonka gaarka ah ee PISF iyo kuwa PMPF ayaa si wadajir ah hawlgalkaas uga fuliyay buuraleyda Golis iyo Cal-miskaad.

 

 

Wararku waxay sheegayaan in hawlgalkaas lagu burburiyay saldhigyo ciidan oo ay ka carareen Al-shabaab islamarkaana kayd badan u yaallay.

 

Howlgalada ayaa ah kuwa wali sii socda oo lagu baadi goobayo kooxihii Baxsaday ee Argagixisada Al-shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir Fiqi oo sheegay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsan codsiyo u soo dirsadeen dowladda

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Guddoonka labada Aqal ee BFS oo ganaaxay Xildhibaanno qalalaaso ka sameeyay fadhigii wadajirka ahaa

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Qaabilaadihii dublumaasiyiinta iyo Difaaca Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Booliska Soomaaliya oo xiray dhalinyaro ku Eedeysan qalqal-gelin amni

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa...