[DHAGEYSO] Al-shabaabkii weeraray Dawlad Deegaanka Soomaalida oo laga dilay in kabadan 100 Xubnood ,lana soo afjaray

Date:

Muqdisho-24-7-2022-:Xilli maalmihii aan soo dhaafnay Dagaalo Culus oo u dhaxeeya ciidamada Dowladd Deegaanka gobolka Soomalida Itoobiya ee liyuu Boolis iyo Argagixisada Al-Shabaab uu ka socday deegaano katirsan gobolka Afdheer oo dhaca xaduud Beenaadka Soomaaliya iyo Itoobiya si gaar ah Gobolka Bakool iyo Gobolka Soomalida Itoobiya ayaa waxaa War murtiyeed ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Dawlada Deegaanka Soomaalida looga hadlay dagaaladaan.

 

Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta Dowladda deegaanka gobolka Soomalida itoobiya ayaa lagu sheegay in la soo afjaray kooxdii Argagixisada Alshabaab ee 4 maalmood ka hor duulaanka ka soo qaaday aaga “Aato” ee soo gashay Gobalka Afdheer kadib markii ay Ciidamada Xooga Gaarka ee DDS ay ku hareereyeen aaga “Hulhul”, waxaana lagu  laayay halkaas dhamaanba Argagixisadii naf la caariga ahayd.

Kooxdan Argagixisada Alshabaab ee weererka ku tagtay halkaas ayaa ujeedkooda waxa uu ahaa in ay galaan Deegaanka Oromiya iyagoo raba in ay sii maraan Dagmada Celkari oo ay ku biiraan kooxda argagixisada ee Shane.

Argagixisada naf la caariga ee Al shabaab iyagoo an gaadhin halkii ay u socdeen sida qoraalka lagu sheegay ayaa waxaa laga gubay 13 Baabuur oo ay wateen, waxaana laga qabtay dhamaanba Hub, isgaadhsiin iyo Agabkii ay wateen.

 

Hawlgalka ay Ciidamada Xooga gaarka DDS ay qaadeen sadex dii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa lagu dilay sida war saxafadedkaan lagu sheegay in ka badan 100 xubnood oo ka tirsanayd Argagixisada Alshabaab.

DHAGEYSO WARKAAN OO DHAMEESTIRAN IYO XAALADA BAKOOL.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo kormeer shaqo ku tegay degaanno dhaca jiinka Webiga Shabeelle

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto...

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo daahfuray tababar loo qabanayo howlwadeennada doorashooyinka

Guddoomiye Cabdikariin Axmed Xasan ayaa si rasmi ah u...