??’????? ??????? ????? ?? ???? ??????????? ??????? ?????????? ?????????? ??? ?????? ???????? ??? ??????? ??????? ??????

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ee Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa magaalada Muqdisho ku shir-guddoomiyey kulan ku saabsan iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Afrika ee ammmaanka dalka iyo la-dagaallanka argagaxisada, oo uu la qaatay wakiillo ka socday Golaha Ammaanka iyo Nabadda Midowga Afrika oo soo gaaray Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha oo hadal muhiim ah ka jeediyey shirka, ayaa uga mahadceliyey Midowga Afrika naf-hurnimada ay sameeyeen ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa tilmaamay in ay Soomaaliya isu diyaarinayso guluf weyn oo ka dhan ah kooxaha argagaxisada, si loo furo waddooyinka muhiimka u ah gargaarka iyo isu-socodka, isagoo dalbaday isku-xirnaan iyo wadajir dhinaca hawlgallada ah.
Sidoo kale, waxa uu xusay in dib-habayn lagu samaynayo maaliyadda dalka, si looga hortago maalgelinta argagaxisada.
“Waxaan ka Xukuumad ahaan Diyaarin Doonaa Qorshe Cusub oo Kor U qaadaya Kobaca Waxsoosaarka Dudaha Dalka Si’aay Kab Ugu Noqoto Maaraynta Miisaaniyadda Dalka” Ayuu Yiri RW Xamse.
Safiirka Djibouti ee Addis Ababa, Cabdi Maxamuud Heybe, oo hoggaaminayay xubnaha ka socday Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika, ayaa sheegay in ay la garab taagan yihiin xukuumadda iyo shacabka Soomaaliyeed taageero buuxda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...