Ergeyga gurmadka abaaraha oo kulan la qaatay Danjiraha Hindiya u fadhiya dalalka soomaaliya iyo Kenya

Date:

Ergeyga DFS u qaabilsan gurmadka abaaraha iyo arrimaha bini’aadminimoda Cabdiraxman Cabdishakur warsame yaa kulan la qaatay Danjiraha HIndia u fadhiya dalalka soomaaliya iyo Kenya Dr Virander Paul.

Ergayga iyo Danjiraha ayaa qaatay wadahadal qoto dheer oo ku aadan xiriirka soo jireenka ah ee dowladaha Soomaliya iyo India iyo sidii mar labaad ay Hindiya xiriir maalgashi ula sameyn lahayd Somalia. Ergayga oo si gaar ah diiradda u saaraayay arrimaha abaaraha ayaa xusay kaalinta cunna yarida adduunka ka jjirta iyo sicir bararku ku leeyihiin abaaraha, isaga oo arrinkaas ka duulayana waxa uu kala hadley Danjiraha in dowladda Hindiya ku gacan siiso Soomaaliya dhimista qiimaha raashinka Soomaaliya kasoo dhoofsato Hindiya, gaar ahaan bariiska iyo sokorta.

Wuxuu kaloo Ergeygu kala hadlay Safiirka in Hindiya codkeeda ugu qareento Soomaaliya fagaarayaasha caalamiga ah, gaar ahaan G20, sidii loogu gurman lahaa dadka ay abaaruhu saameeyeen. Safiirka ayaa soo dhoweeyay kana balanqaaday Ergayga in India ay mar walba garab istaagi doonto Somalia ayna ku dedaali doonaan garab istaaga Soomaaliya, gaar ahaan gurmadka abaaraha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

Ururka 161-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya cutubka...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...