Ergeyga gaarka ah Madaxweynaha JFS u qaabilsan arimaha gurmadka Abaaraha oo la kulmay xubno sar sare oo katirsan Dowladda UK

Date:

Muqdisho,LUULYO, 12, 2022:-Ergayga gaarka ah Ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha gurmadka Abaaraha ayaa maanta la kulmay Xubno oo uu hoggaaminaayay Nick Dyer oo ah Ergeyga gaarka ah ee boqortooyada Uk u qaabilsan arrimaha bini’aadannimoda iyo macluusha ayaa kala hadley Mudane Cabdiraxman Cabdishakur Warsame howlaha gurmadka abaaraha Soomaaliya.

Ergeyga Madaxweynaha DFS u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha iyo bini’aadannimoda ayaa Dowladda UK iyo Xafiiskooda Arrimaha bini’aadannimoda uga mahadceliyay garab istaagga dowladda Soomaaliya iyo dadkeenna tabaaleysan.

Waxaa intaas kadib labada dhinac iska wareysteen howlaha socda, ballamadii hore waxa ka qabsoomay iyo waxyaalaha hadda la iska kaashan karo.

Ergey Cabdiraxmaan oo bogaadinaya garab istaagga boqortooyada Uk ayaa ugu danbeyntii tilmaamay wax ku oolnimoda u qareemidda arrimaha abaaraha Soomaaliya oo ay boqortooyada UK iyo hayadaheedu iska xilqaameen iyo sida mudnaan u leedahay in lasii joogteeyo.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar

20-ka disember waa astaan ka mid ah maalmaha qaran...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY RA’IISUL WASAARAHA ITOOBIYA.

Addis Ababa, Diseembar 19, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Kalluumaysiga Soomaaliya oo Ankara kula kulmay dhiggiisa Turkiga.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda...

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...