(SAWIRO)Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Booqasho ku tagay Dalka Rwanda

Date:

Muqdisho 11 Luulyo, 2022 — Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, oo safar shaqo ku jooga dalka Rwanda, ayaa waxa halkaas soo dhoweyn diirran ugu sameeyey Taliyaha Ciidanka Booliska Dalka Rwanda Dan Munyuza, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee Booliska Labada Dal.

Labada Taliye ayaa shirar ay yeelanayaan waxa ay si weyn ugu lafaguridoonaan horumarinta xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya Booliska labada dal ee Soomaaliya iyo Rwanda, iyada oo la iska kaashan doono dhinacyada isdhaafsiga xogaha, la dagaallanka argagixisada, tabaha xasilinta iyo dib-u-heshiisiinta bulshada iyo kor-u-qaadidda tababarrada ay dowladda Rwanda siiso Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxayna wada saxiixan doonaan Heshiis Is-afgarad ah oo ku saabsan arrimahaas.

Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Rwanda, waxa uu tababar u soo xiri doonaa saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo tababar heerkiisu sarreeyo ku qaatay dalka Rwanda.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...