(SAWIRO)Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Booqasho ku tagay Dalka Rwanda

Date:

Muqdisho 11 Luulyo, 2022 — Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, oo safar shaqo ku jooga dalka Rwanda, ayaa waxa halkaas soo dhoweyn diirran ugu sameeyey Taliyaha Ciidanka Booliska Dalka Rwanda Dan Munyuza, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee Booliska Labada Dal.

Labada Taliye ayaa shirar ay yeelanayaan waxa ay si weyn ugu lafaguridoonaan horumarinta xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya Booliska labada dal ee Soomaaliya iyo Rwanda, iyada oo la iska kaashan doono dhinacyada isdhaafsiga xogaha, la dagaallanka argagixisada, tabaha xasilinta iyo dib-u-heshiisiinta bulshada iyo kor-u-qaadidda tababarrada ay dowladda Rwanda siiso Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxayna wada saxiixan doonaan Heshiis Is-afgarad ah oo ku saabsan arrimahaas.

Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Rwanda, waxa uu tababar u soo xiri doonaa saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo tababar heerkiisu sarreeyo ku qaatay dalka Rwanda.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Ururka 231-aad ee XDS oo ka jawaabay codsi ka yimid gabar da’yar oo qabta baahiyo gaar ah

Ciidanka Ururka 231-aad ee Guutada 23-aad (MP) ee Ciidanka...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Ciid-siin iyo Taakuleyn Gaarsiiyay Dugsiga Agoonta Wiilasha Kaaraan

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Xildhibaannada Soomaaliya ku matalaya EALA oo maanta la dhaarinayo

Xildhibaanada Soomaaliya ee ku matalaya Baarlamaanka Soomaaliya ee Urur...

Hodan iyo Gubadley oo ku soo baxay Tartanka kama dambeysta ee ka baxa Warbaahinta Qaranka

Tartamayaasha Degmada Hodan ayaa u soo baxay wareegga kama...