(SAWIRO)Madaxweyne Qoor-qoor oo booqasho ku tagay xerada ciidamada Daraawiishta Galmudug ee ku taalla degmada Wisil ee gobolka Mudug

Date:

Muqdisho,11,7,2022:Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hogaaminayo oo uu kamid yahay wasiir dowlaha amniga Galmudug, ahna kusimaha wasiirka amniga ayaa booqasho ku tagay xerada ciidamada Daraawiishta Galmudug ee ku taalla degmada Wisil ee gobolka Mudug.

Madaxweynaha ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada Daraawiishta, isagoona warbixinno ka dhageestay saraakiisha iyo wax garadka degmada Wisil, taas oo ku aadan xaaladda guud ee amniga degmada Wisil iyo deegaanada hoos yimaada halkaas oo lagu jabiyay kooxaha argagixisada.

Dhanka kale madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye, ayaa ku boorriyay ciidamada in ay laba jibaaraan dadaalada kooxaha argagixisada looga sifeenayo Galmudug, loogana hortagayo inay uga gudbaan deegaanada Soomaalida ee dariska la ah Galmudug, sidoo kalana waxa uu carrabka ku adkeeyay in argagixisada loogu tagi doono goobaha ay kasoo duulaan, lagana xorayn doono shacabka ay ku gumaadayaan deeganaada ay haatan ku suganyihiin argagixisadu.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha guutada lixaad ee qaybta 60-aad oo tababbar u soo xiray cutubyo ka tirsan guutada lixaad

Taliyaha Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka...

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xarigga ka jaray Baakin casri ah oo laga hirgeliyey xayndaabka garoonka Aadan Cadde

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane...

Soomaaliya oo dhambaal taageero ah u dirtay Dowladda Qatar

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa walaac qotada dheer oo...