In ka badan 120 neef oo geel ah oo maanta ku le’day duleedka magaalada jigjiga kadib markii geed sumaysan ay daaqeen

Date:

MUQDISHO-2-7-2022-:In ka badan 120 neef oo geela ayaa ku le’day duleedka caasimadda Jigjiga ee dowlad degaanka gobolka soomaalida itoobiya , sida ay sheegtay warbaahinta maxalliga ah ee degaankaas.

 

Geelaas oo ka koobnaa 150 neef, ayaa ka soo hayaamay dhinaca degaanka  Xarshin ee gobolka Faafan, waxaana uu ku sii jeeday miyiga degmada Gursum ee gobolkaas.

 

Balse, sida wararku sheegayaan geela ayaa markii uu gaaray duleedka magaalada Jigjiga, waxa uu daaqay geedka loo yaqaan Ciinka, kaas oo sababay dhimashada 124 neef oo kamid ah 150 geelaas ahaa.

 

Mas’uuliyiinta dowlad degaanka Soomaalida ayaa laga soo xigtay in ay geelaas u direen dhaqaatiir qaabilsan xannaanada xoolaha, si ay u daweeyaan inta harsan.

 

 

Wasiir ku xigeenka wasarada xafiska hormarinta dowladd deegaanka gobolka soomaalida itoobiya Mohamed gacal abdi ayaa kawarbixiyey geedkaan suntan ah ee geelaa daaqay.

 

Geedka Ciinka: waa geed cagaaran oo cufan, caleemo iyo qodax midna lahayn, laamo dhuudhuuban oo dhecaan cad leh, kaas oo marka geelu daaqo ku sumoodo.

WARKAAN OO DHAMESTIRAN DHAGEYO

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

DF oo shacabka Soomaaliyeed ku wargelisay inuu dalka galayo marxalad Doorasho loo dhan yahay

Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiistinta ee (DFS) waxay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ayaa maanta...

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...