In ka badan 120 neef oo geel ah oo maanta ku le’day duleedka magaalada jigjiga kadib markii geed sumaysan ay daaqeen

Date:

MUQDISHO-2-7-2022-:In ka badan 120 neef oo geela ayaa ku le’day duleedka caasimadda Jigjiga ee dowlad degaanka gobolka soomaalida itoobiya , sida ay sheegtay warbaahinta maxalliga ah ee degaankaas.

 

Geelaas oo ka koobnaa 150 neef, ayaa ka soo hayaamay dhinaca degaanka  Xarshin ee gobolka Faafan, waxaana uu ku sii jeeday miyiga degmada Gursum ee gobolkaas.

 

Balse, sida wararku sheegayaan geela ayaa markii uu gaaray duleedka magaalada Jigjiga, waxa uu daaqay geedka loo yaqaan Ciinka, kaas oo sababay dhimashada 124 neef oo kamid ah 150 geelaas ahaa.

 

Mas’uuliyiinta dowlad degaanka Soomaalida ayaa laga soo xigtay in ay geelaas u direen dhaqaatiir qaabilsan xannaanada xoolaha, si ay u daweeyaan inta harsan.

 

 

Wasiir ku xigeenka wasarada xafiska hormarinta dowladd deegaanka gobolka soomaalida itoobiya Mohamed gacal abdi ayaa kawarbixiyey geedkaan suntan ah ee geelaa daaqay.

 

Geedka Ciinka: waa geed cagaaran oo cufan, caleemo iyo qodax midna lahayn, laamo dhuudhuuban oo dhecaan cad leh, kaas oo marka geelu daaqo ku sumoodo.

WARKAAN OO DHAMESTIRAN DHAGEYO

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha guutada lixaad ee qaybta 60-aad oo tababbar u soo xiray cutubyo ka tirsan guutada lixaad

Taliyaha Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka...

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xarigga ka jaray Baakin casri ah oo laga hirgeliyey xayndaabka garoonka Aadan Cadde

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane...

Soomaaliya oo dhambaal taageero ah u dirtay Dowladda Qatar

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa walaac qotada dheer oo...