xildhibaanada labada aqal ee Barlamaanka ayaa maanta ka dooday akhrinta 2-aad ee Miisaaniyadda dowladda 2022

Date:

MUQDISHO JUUN 28,2022;Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe oo ay weheliyaan ku-xigeennadiisa iyo guddoonka Aqalka sare ayaa shir guddoomiyey Kalfadhiga 1aad kulankiisa 7aad ee wadajirka ah oo Ajandihiisu ahaa aqrinta labaad ee warbixinta guddiga KMG iyo odoroska qoondada miisaaniyadda 2022-ka.
Guddiga KMG ee maaliyada Baarlamaanka ayaa soo gudbiyey warbixinta Odoroska qoondada 2022-ka, waxaana xildhibaanada Golaha Shacabka ay ka doodeen warbixinta miisaaniyad sanadeedka islamarkaana ay su’aalooyin ka weeydiiyeen wwasiirka wasaaradda maaliyada Xukuumadda Xilgaarsiinta JFS mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Madoobe oo gabo-gabada kulanka soo xiray ayaa sheegay in maalinta berri ah la isku soo noqon doono islamarkaana si qotodheer loo turxaan bixin doono.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Ururka 231-aad ee XDS oo ka jawaabay codsi ka yimid gabar da’yar oo qabta baahiyo gaar ah

Ciidanka Ururka 231-aad ee Guutada 23-aad (MP) ee Ciidanka...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Ciid-siin iyo Taakuleyn Gaarsiiyay Dugsiga Agoonta Wiilasha Kaaraan

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Xildhibaannada Soomaaliya ku matalaya EALA oo maanta la dhaarinayo

Xildhibaanada Soomaaliya ee ku matalaya Baarlamaanka Soomaaliya ee Urur...

Hodan iyo Gubadley oo ku soo baxay Tartanka kama dambeysta ee ka baxa Warbaahinta Qaranka

Tartamayaasha Degmada Hodan ayaa u soo baxay wareegga kama...