Gudoomiyaha gobalka Mudug oo kulan la yeeshay saraakil ka socatay Hay’addaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee ka howlgala gobalka Mudug

Date:

muqdisho-juun27-6-2022-:Kulankaan oo uu soo agaasimay maamulka gobalka mudug isla markaana uu shir gudoominayay gudoomiyaha gobalka mudug Axmed xuseen shire bukhaari ayaa maanta looga hadlay sidii xalwaara loogu heli xaalada ee adag ee abaaraha ka taagan gobalka mudug.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen duqa dagmada Galkacyo cabdiraxmaan sheekh Hassan jimcaale iyo saraakiil ka socatay hay’addaha caalamiga ah iyo kuwa maxaligaa ee ka howlgala gobalka mudug ayaa waxaa intiisa badan looga warbixiyay xaalada abaaraha iyo saameeynta ay ku yeelatay abaartu boqolaal kun oo qoys oo u xoolo dhaqato ah.

Maamulka gobalka mudug ayaa intii kulanku socday soo bandhigay muuqaalo muujinaya abaaraha ka jira gobalka iyadoo sidoo kalana maamulka gobalku sheegay in ay ka barakaceen deegaanadii ay ku noolaayeen Todabaatan kun oo qoys kuwaasoo dhibaatada ugu badani ay heysato Caruurta iyo Haweenka.

Kulanka oo sidoo kale warbixino la xariira xadiga abaaruhu gaarayaan looga dhageystay duqa dagmada galkacyo cabdiraxmaan sheekh Hassan jimcaale oo isagu xusay in Galkacyo todabaadyadii lasoo dhaafay xeryaha ku yaala ee barakacayaasha ay soo gaareen qoysas cusub kuwaa oo isugu jira kuwa argagixisada dhibaatooyinka ay ka geysanayaan deegaanada koofurta gobalka mudug kasoo cararay iyo kuwa abaaraha kusoo xoola beelay ayaa waxaa markii uu soo idlaaday uga waramay warbaahinta qaranka waxa salka u ahaa kulanka iyo qodabadii kasoo baxay gudoomiyaha gobalka mudug.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeer ku tegay xarunta maamulka Baydhabo

Baydhabo, Abriil 08, 2026: Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee Dowlad...

Soomaaliya oo u diyaar-garowbaysa helitaanka maalgelinta cimilada

Xafiiska Sanduuqa Qaran ee Cimilada Soomaaliya (National Climate Fund...