Gudoomiyaha gobalka Mudug oo kulan la yeeshay saraakil ka socatay Hay’addaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee ka howlgala gobalka Mudug

Date:

muqdisho-juun27-6-2022-:Kulankaan oo uu soo agaasimay maamulka gobalka mudug isla markaana uu shir gudoominayay gudoomiyaha gobalka mudug Axmed xuseen shire bukhaari ayaa maanta looga hadlay sidii xalwaara loogu heli xaalada ee adag ee abaaraha ka taagan gobalka mudug.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen duqa dagmada Galkacyo cabdiraxmaan sheekh Hassan jimcaale iyo saraakiil ka socatay hay’addaha caalamiga ah iyo kuwa maxaligaa ee ka howlgala gobalka mudug ayaa waxaa intiisa badan looga warbixiyay xaalada abaaraha iyo saameeynta ay ku yeelatay abaartu boqolaal kun oo qoys oo u xoolo dhaqato ah.

Maamulka gobalka mudug ayaa intii kulanku socday soo bandhigay muuqaalo muujinaya abaaraha ka jira gobalka iyadoo sidoo kalana maamulka gobalku sheegay in ay ka barakaceen deegaanadii ay ku noolaayeen Todabaatan kun oo qoys kuwaasoo dhibaatada ugu badani ay heysato Caruurta iyo Haweenka.

Kulanka oo sidoo kale warbixino la xariira xadiga abaaruhu gaarayaan looga dhageystay duqa dagmada galkacyo cabdiraxmaan sheekh Hassan jimcaale oo isagu xusay in Galkacyo todabaadyadii lasoo dhaafay xeryaha ku yaala ee barakacayaasha ay soo gaareen qoysas cusub kuwaa oo isugu jira kuwa argagixisada dhibaatooyinka ay ka geysanayaan deegaanada koofurta gobalka mudug kasoo cararay iyo kuwa abaaraha kusoo xoola beelay ayaa waxaa markii uu soo idlaaday uga waramay warbaahinta qaranka waxa salka u ahaa kulanka iyo qodabadii kasoo baxay gudoomiyaha gobalka mudug.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo salaadda janaasadda ku tukaday AUN  Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Ururka Afrika ee Dhowrista Xogta (NAPDA)

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Oo soo baxday

1. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir guddoomiyay Shirka...

Wasiirro ka tirsan XFS oo sagootiyay xujeydii ugu horraysay ee Soomaaliyeed ee Sanadkaan

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaweyd garoonka...