Maamulka Gobalka Mudug oo gacanta ku dhigay ehelada eedeysanayaal loo heysto dil kadib markii ay baxsadeen dadkii Falkaas geystay.

Date:

MUQDISHO-JUUN-20-6-2022-:Maamulka Gobalka Mudug oo gacan ka helaya ciidamada nabad sugida iyo Booliiska gobalka Mudug oo maal-mahaanba waday dadaalo la xariira sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa shaqsiyaad ku eedeeysnaa dil dhawaan ka dhacay deegaano hoostaga dagmada Bandiiradleey ayaa soo xir xiray ku dhawaad 10 ruux kuwaas ah  ehelada eedeeysanayaasha loo heysto dilka kadib markii ay baxsadeen eedeeysanayaashii Falkaas geystay.

 

 

 

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Ahmed Bukhaari oo isagu horkacayay howlgalkaan ayaa ku amaanay ciidanka amniga dadaalka ay muujiyeen isagoo sidoo kalana sheegay in maamulka gobalku uusan marnaba ka hari doonin cid kasta oo ku lug leh falkaan iyo wixii la mid ah .

 

 

Gudoomiyaha Gobalka  Mudug Ahmed Bukhaari ayaa ugu danbeyna ugu baaqay shacabka gobalku ineey kala shaqeeyaan maamulka iyo hay’adaha Amniga sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa eedeeysanayaasha.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeer ku tegay xarunta maamulka Baydhabo

Baydhabo, Abriil 08, 2026: Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee Dowlad...

Soomaaliya oo u diyaar-garowbaysa helitaanka maalgelinta cimilada

Xafiiska Sanduuqa Qaran ee Cimilada Soomaaliya (National Climate Fund...