Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Abaaraha oo caawa la kulmay dhallinyaro u dhaqdhaqaaqda gurmadka abaaraha iyo maaraynta masiibooyinka.

Date:

Muqdisho-Juun-12-6-2022:Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa caawa kulan la qaatay dhallinyaro u dhaqdhaqaaqda gurmadka abaaraha iyo maaraynta masiibooyinka dabiiciga ah.

Ergayga ayaa dhallinyarada ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah oo la xariira wayaa aragnimadooda ku aaddan xaaladda abaaraha iyo masiibooyinka dabiiciga ah.

Ergaygu wuxuu dhallinyarada uga mahadceliyay howlaha ay dadka danta yar u hayaan oo gurmadka abaaruhu ugu horreeyaan, wuxuuna ku boorriyay in ay dadaalkooda sii wadaan.

Ugu danbeyn, ergaygu wuxuu dhallinyarada ka codsaday in ay xoojiyaan wacyi-galinta bulshada ee ku aaddan marxaladda abaaraha, si loogu wada baraarugo khatarta abaarta.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xarunta Boqor Salmaan oo maanta Muqdisho ka daah-furtay qeybinta Zakaatul Fitriga.

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

Gobolka Banaadir oo deeq lacageed oo Ciid-siin ah u qeybiyey dad baahiya gaar ah qaba

Guddoomıyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdısho Dr....

Kulan loogu duceeyay shuhadadii naftooda u huray qaranka Soomaaliyedd ee CXD oo lagu qabtay Muqdisho

Wasiirrada Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, Waxbarashada, Dhaqanka iyo Tacliinta...

Kaaraan oo kaalinta 3-aad ka gashay Tartan Cilmiyeedka Ramadaanka ee Warbaahinta Qaranka

Tartamayaasha Degmada Kaaraaan ayaa ku guuleystay kaalinta 3-aad ee...