Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Abaaraha oo caawa la kulmay dhallinyaro u dhaqdhaqaaqda gurmadka abaaraha iyo maaraynta masiibooyinka.

Date:

Muqdisho-Juun-12-6-2022:Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa caawa kulan la qaatay dhallinyaro u dhaqdhaqaaqda gurmadka abaaraha iyo maaraynta masiibooyinka dabiiciga ah.

Ergayga ayaa dhallinyarada ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah oo la xariira wayaa aragnimadooda ku aaddan xaaladda abaaraha iyo masiibooyinka dabiiciga ah.

Ergaygu wuxuu dhallinyarada uga mahadceliyay howlaha ay dadka danta yar u hayaan oo gurmadka abaaruhu ugu horreeyaan, wuxuuna ku boorriyay in ay dadaalkooda sii wadaan.

Ugu danbeyn, ergaygu wuxuu dhallinyarada ka codsaday in ay xoojiyaan wacyi-galinta bulshada ee ku aaddan marxaladda abaaraha, si loogu wada baraarugo khatarta abaarta.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Salaadda Jimcaha kula oogay boqolaal shacab ah Masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha.

Muqdisho, Jannaayo 09, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad u jeediyay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

18 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay Saakow.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar...