Senetor Kobac oo boggaadiyey dadaalada Gargaarka lagu gaarsinayo Dadka Abaaraha ay saameeyeen.

Date:

Muqdisho-Juun-11-6-2022:Senetor Xasan iidoow kobac oo ka mid ah Mudanyaasha aqalka sare ee dalka ayaa ku  boggaadiyay socdaalkii Madaxweyne Xasan Shiikh uu dhawaan uu ku tagey Maamulada Koonfur galbeed iyo Galmudug taa uu ugu kuur galayay Madaxweyne xasan xaalaha deegaanada Mamuladaasi iyo sida ay abaaraha u saameeyeen.

Senetor kobac oo samafale ah ayaa sheegey in shaqsi ahaan uu doorkiisa ka qaadan doono isaga oo horeyna uga soo qaatey gurmadayada samafalka ah ah ee loo sameynayo dadka abaaraha ay saameeyeen.

 

“Waxaan ka shaqsi ahan aan gurmad gargaar kasoo sameyey gobolada hiiraan iyo bakool waana sii wadi doona gurmadkaasi aan ku caawineyno walaalaheen ay abaartu saameysey “ayuu yiri Snetor. xasan iidoow kobac oo la hadleyay warbaahinta qaranka ”.

Xasan iidow ayaa dhankale boggaadiyay dadaalada uu wado Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Md Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, isagoo sheegey in wax badan oo ka jira daruufa dalka uu wax badan ka bedeli doono.

 

 

Ugu dambeyn senetor Xasan iidow kobac ayaa shacabka soomaaliyeed ugu baaqey in loo wada istaago u gurmashada iyo caawinta dadkaasi, isagoona uga mahaceliyay dadaalada dowladda ay wado iyo sidii dadkaasi gurmad loo gaarsiin lahaa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kaaraan oo kaalinta 3-aad ka gashay Tartan Cilmiyeedka Ramadaanka ee Warbaahinta Qaranka

Tartamayaasha Degmada Kaaraaan ayaa ku guuleystay kaalinta 3-aad ee...

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS oo UK lagu soo dhaweeyey

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda...

Ciidanka Ururka 231-aad ee XDS oo ka jawaabay codsi ka yimid gabar da’yar oo qabta baahiyo gaar ah

Ciidanka Ururka 231-aad ee Guutada 23-aad (MP) ee Ciidanka...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Ciid-siin iyo Taakuleyn Gaarsiiyay Dugsiga Agoonta Wiilasha Kaaraan

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....