Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaliya oo maanta kulan la qaatay Ergeyga gaarka ah ee Madaxwaynaha JFS u qaabilsan arrimaha Abaaraha.

Date:

Muqdisho June 11,2022;Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay Ergeyga gaarka ah ee Madaxwaynaha JFS u qaabilsan arrimaha Abaaraha mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Wasrsme oo ay weheliyaan gudigga gurmadka Abaaraha, kulanka oo diirada lagu saaray sidii wax loogu qabanlahaa Abaaraha soo-noqnoqday.

Gudiga Abaaraha oo ay Guddoomiyaha ka codsadeen in lagu waraajiyo qaybtii Baarlamaanka BJFS abaaraha uga qoondeeyey lacagihii musharaxiinta Madaxwaynaha JFS laga qaaday si wax loogu qabto dadka tabaaleysan kuwaas oo ku kala nool qeybo ka mid gobolada dalka.

Sidoo kale guddiga ayaa Gudoomiyaha ka codsadey in Baarlamaanku ku daba galo sababta weli Xukuumadda u sheegi la dahay qoondada ay ugu talo gashey lacagtii Dowladda Imaaraadka Carabta ugu deeqdey abaaraha dalka kajira iyo weliba lacagtii Halka milyan (1 M) ahayd ee Xukuumadda sheegtey inay abaaraha ugu yaboohdey oo aan ilaa hadda jirin wax hormar ah oo laga sameeyey.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS mudane Sheekh Aadan Madoobe oo bogaadiyay shaqada adag ee ay hayaan Gudigga Abaaraha ayaa u ballan qaadey sii xoojinta garab istaagga dar-dar gelinta shaqada baaxada leh ee u taala Ergeyga iyo gudigga, sidoo kale Guddoomiyaha ayaa ballan qaadey in beri lagu wareejin doono lacagihii Baarlamaanka horey u ballanqaadey ee qaybta ka ahaa lacagihii ka soo xaroodey Murashaxiinta Madaxwaynaha JFS.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan loogu duceeyay shuhadadii naftooda u huray qaranka Soomaaliyedd ee CXD oo lagu qabtay Muqdisho

Wasiirrada Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, Waxbarashada, Dhaqanka iyo Tacliinta...

Kaaraan oo kaalinta 3-aad ka gashay Tartan Cilmiyeedka Ramadaanka ee Warbaahinta Qaranka

Tartamayaasha Degmada Kaaraaan ayaa ku guuleystay kaalinta 3-aad ee...

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS oo UK lagu soo dhaweeyey

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda...

Ciidanka Ururka 231-aad ee XDS oo ka jawaabay codsi ka yimid gabar da’yar oo qabta baahiyo gaar ah

Ciidanka Ururka 231-aad ee Guutada 23-aad (MP) ee Ciidanka...