Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud oo caawa Magacaabay Lataliyaal Cusub.

Date:

Muqdisho, Juun 08, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay La-Taliyeyaasha Arrimaha Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka.

1. Dr. Cabduraxmaan Cabdullaahi Baadiyow La-Taliyaha Madaxweynaha JFS ee Arrimaha Dastuurka.
2. Mudane Axmed Cabbaas Axmed La-Taliyaha Madaxweynaha JFS ee Arrimaha Federaalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Alle uga baryey La-Taliyeyaasha cusub in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, waxa uuna kula dardaarmay in ay si hufan oo daacadnimo leh ugu adeegaan dalka.

Mas’uuliyiinta la magacaabay ayaa ka soo shaqeeyay hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’ado kale oo muhiim ah, waxa ayna khibrad wanaagsan iyo aqoon u leeyihiin howlaha uu Madaxweynuhu u igmaday ee Arrimaha Dastuurka iyo Federaalka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Bilowday Barnaamij Tababar oo ku Saabsan Amniga Saaybarka

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasiin...

Hay’adda NISA oo shaaciyay liiska horjoogayaal lagu dilay hawlgalladii u dambeeyay

Liiska horjoogeyaasha Khawaarijta ee lagu dilay howlgalladii ay fuliyeen...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qayb galay Shirka Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle,...

Soomaaliya oo Ka Qayb Gashay Shirkii 11-aad Ee OACPS Ee Equatorial Guinea

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...