Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaar-garowga Caleemasaarka Madaxweyne Hassan sheikh.

Date:

Muqdisho-Juun-7-6-2022:Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaar-garowga sugida Amniga Caasimada Maalinta Caleema Saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo uu kasoo qeyb galay Wasiirka Wasaarada Amniga DFS, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya, Taliyeyaasha Qeybta Guud ee Booliska iyo Nabadsugida, Dhamaan Saraakiisha Saldhigyada iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa la iskula dar-daarmay in ahmiyad guud la siiyo maalinta 9-ka june 2022 oo ku beegan Khamiis taasi oo dhici doonto Caleema Saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale Bulshada Caasimada ayaa looga codsaday shirkaan in dulqaad iyo adkeesi ay muujiyaan labada maalin ee fooda inagu soo heyso, taasi oo Caasimada ay ka dhici doonto xaflad aad muhiim ugu ah Dowladnimada, isla markaana ay kasoo qeybgeli doonaan wufuud heer caalami oo Madaxweyneyaal leh. Isla markaana ay dhici karto culeesyo dhanka Amni in laga dareemo Caasimada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...