Madaxweynaha maamulka Galmudug oo caawa guddomiyey kulan ay yesheen Golaha Wasiirada Maamulkaas .

Date:

Madaxweynaha Dowladd goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa shir gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Galmudug, iyadoona Wasaaradda Arimaha Guduaha, Federaalka iyo Dib uheshiisiinta Galmudug ayaa soo jeedisay laba hindise sharciyeed si golaha ay uga doodaan, una ansixiyaan.

Golaha Wasiirada oo ka dooday hindise sharciyeedyada lasoo jeediyay ayaa cod gacan taag aqlabiyad ah ku ansixiyay labo hindise sharciyeed ee hoos ku xusan, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadan doona hannaanka doorashooyinka Galmudug.

Labada hindise sharciyeed ee ay Golaha Wasiirada ansixiyeen ayaa kala ah:-

1 – Sharciga Guddiga Doorashooyinka ee dowladda Galmudug.

2 – Shirciga ururada iyo xisbiyada siyaasadeed ee Dowladda Galmudug.

Sharciyadaan ayaa si rasmi ah wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta u gudbin doontaa Golaha Baarlamaanka Galmudug si loo sharciyeeyo kadibna uu u saxiixo madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY RA’IISUL WASAARAHA ITOOBIYA.

Addis Ababa, Diseembar 19, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Kalluumaysiga Soomaaliya oo Ankara kula kulmay dhiggiisa Turkiga.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda...

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...