Maamulka Gobolka Soomaalida Itoobiya Iyo Maamulka Puntland oo iska kaashanaya Arimaha Amniga iyo La dagaalanka Argagixisada.

Date:

Waxaa Gobolka Doollo ee ismaamulka Gobolka Soomaalida Itoobiya socdaal ku gaaray wafti balaaran oo ka socda Maamul Goboleedka Puntland.

Sidoo kale waxaa ka mid ahaa waftigaan Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug Muumin Cabdishire oo ay wehelinayan Maamulka Gobolka Mudug iyo Kan Degmada Galkacyo ayaa ka qeyb galay Shir ay isugu yimadeen Dowlad degaanka Somalida ee Gobolka Doolo iyo Maamulka Puntland Shirkaas oo ka dhacay Degmada Bookh.

Halka dhanka Maamulka Gobolka Soomaalida Itoobiya kulankaan ay u jogeen Maamulka Gobolka Doollo,Saraakisha Laamaha Amniga Gobolkaas iyo Masuuliyiin kale.

 

Labada maamul ayaa kawada hadley ka shaqeynta Amniga,Ganacsiga Waxbarashada,Caafimaadka,Fududeynta isku socodka shacabka iyo Gaadiidka,la dagaalanka iyo joojinta khamriga,qabashada dambiilayaasha usoo carara labada dhinac iyo ladagaalanka Argagixisada.

 

Ugu dambeyntii labada maamul ayaa u xilsaarey arrimahaan guddi kawada shaqeeya oo dardargeliya qodobadii ay kawada hadleen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Musharixiinta u taagan kursiga HOP204 oo qaatay shahaadada Musharxnimo

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Madaxweynaha JFS ayaa Kulan La Qaatay Wasirrada XFS iyo Xildhibaannada Labada Aqal Ee Baarlamaanka Dalka Ee Ku Sugan Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxaweynaha JFS oo qaabilay duqa magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...