Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta qaabilay Danjiraha Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta.

Date:

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi wuxuu maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta u qaabilsan Soomaaliya Danjire Maxamed Axmed Alcusmaan.

Danjiruhu wuxuu Guddomiyaha soo gaarsiiyay salaan sharafeed iyo dhambaal hambalyo ah oo ku aadan dib u doorashada Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi, taas oo uu uga siday Guddoomiyaha Golaha Midnimada Qaranka ee Imaaraatka Carabta Mudane Saqar Gabaash.

Guddoomiyaha iyo Danjiruhu waxaa kale oo ay ka wada hadleen adkaynta xiriirka labada Dal, sidii ay Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta uga qayb qaadan lahayd gurmadka abaaraha ee haatan ka socda dalka, iyo waliba in la dhiso xiriir wax tar leh oo wada shaqayneed oo dhax mara Golayaasha Sharci dejin ee labada dal.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Dowlad-Kaab

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u heshiisiinta ee Xukuumadda...

Wasiirka Amniga Gudaha oo gaaray Tanzania

Wasiirka Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Gen....

Munaasabad Lagu Soo Dhaweeyay Danjire Elyaas Barre Shiil oo Ka Dhacday Nairobi

Magaalada Nairobi ayaa lagu qabtay munaasabad mahadnaq iyo soo...

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo Fulisay Dil Toogasho ah

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sidda ayaa saakay dil toogasho ah...