Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha oo maanta safiirka mareekanka kala hadlay sida ay gacan uga geysan karaan Gurmadka Abaaraaha .

Date:

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Md Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la yeeshay Safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaliya Larry Andre iyo madaxa hay’adda USAID Patrick Diskin.

 

Ergeyga iyo Safiirka, ayaa ka wada hadlay, sida Dowladda Mareykanka ay gacan uga geysan karaan Gurmadka Abaaraaha daran ee ka jira dalka.

 

 

Maraykanka waa dawladda deeqda gargaarka bani’aadanimo ee ugu badan siisa Soomaaliya.

 

Ugu dambeyn, Danjire Larry Andre ayaa Ergeyga u ballan qaaday wada shaqeyn buuxda, si loo samatabixiyo malaayiinta qof ee abaaruhu saameeyeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka oo laga Daah-furay degmada Galcad

Maamulka iyo shacabka magaalada Masagawaay ee degmada Galcad ayaa...

Ololaha todobaadka dhir beerista oo ka billaawday xarumaha dowladda

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee JFS, Maxamed Cabdi...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo qaabilay Xildhibaan Faarax Macallin iyo wafdi la socday

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed...