Madaxweyne Hassan Sheikh oo maanta Baydhabo ku wajahan iyo Ammaanka Magaaladaas oo la adkeeyey.

Date:

Muqdisho-31-5-2022-Maanta waxaa lagu wadaa in Magaalada Baydhabo uu gaaro Madaxweynaha 10aad ee Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hassan sheikh Maxamuud iyo Wafdi Balaaran uu Horkacayo kuwaas oo ay ku Jiraan Xildhibaano,Wasiiro iyo Saraakiil Katirsan Madaxtooyada Qaranka.

 

Ammaanka Magaalada Baydhabo oo Caasimad KMG ah u ah Maamulka koonfur galbeed ayaa aad loo adkeeyay Maanta , waxaana sidoo kale hareeraha waddooyinka la suray boorar uu ku dhegan yahay sawirka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

 

 

Mas’uuliyiinta Maamulka Koonfur Gakbeed & Bulshada Magaalada ayaa u diyaar garoobay soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya.

 

Shalay Baydhabo Waxaa Gaaray Masuuliyiin Katirsan Madaxtooyada Qaranka,Xildhibaano iyo masuliyiin Kale kuwaas oo hordhac u ahaa wafdigaan.

SAWIRRO.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...