Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud oo caawa Tacsi u diray Sheekh Cali Warsame oo maanta lagu aasay magaalada Burco.

Date:

DHAMBAAL TACSI.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Sheekh Cali Warsame oo maanta lagu aasay magaalada Burco.

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in Marxuum Sheekh Cali Warsame uu ahaa daaci weyn oo lafdhabar u ahaa fidinta diinta islaamka, isaga oo dadaal weyn ku bixiyey waxbaridda ubadka Soomaaliyeed

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan ka tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariistee Sheekh Cali Warsame oo maanta lagu aasay magaalada Burco. Marxuumku waxa uu ahaa daaci weyn oo waqti badan geliyey fidinta diinta islaamka iyo waxbaridda ubadka Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo ehelka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee dalka Hindiya oo xabsiga ku booqday Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa...

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Xarunta Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Hodan oo ku soo baxday tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga Afar dhamaadka oo la sameeyay

Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

Ex-Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin oo dil toogasho ah lagu xukumay

Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin, ayaa lagu edeeyay dilka...