DHAGEYSO:Maamulka Jubbland oo Magaalada Kismaayo ku xiray Nin faafiyay Warar been abuur ah,Cadaaladana horkeenaya.

Date:

Ciidanka Booliska Maamul goboleedka Jubbaland qaybta gobolka Jubada Hoose ayaa  warbaahinta u  soo Bandhigay nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Cabdullaahi Nuur oo Aalada TikTok ka sheegay in magaalada Kismaayo uu ku nool yahay nin gabadhiisa qaba oo waliba Caruur ka dhalay,arintaas oo markii Ciidanka Booliska Jubbaland baaritaan ku sameeyeen noqotay mid aan waxba ka jirin.

Eedeysanahaan ayaa ku nolaa degmada dhoobleey ee isla gobolkaas,waxaana hataan u ku xiranyahay Magaalada Kismaayo xabsi ku yaal.

Booliiska ayaa uga digay dhallinyarada in ay ka fogaadaan waxyaabaha diinta ka hor imaanaya,waxaana ay sheegeen in eedeysanahaan cadaalada la horkenayo.

Afhayeenka Booliska jubbaland ayaa kawarbixinaya Arintaan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo duqeyn cirka ah ku dilay 12 katirsan khawaarijta

Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa aroornimadii maanta...

Madaxweynaha JFS “Koonfur Galbeed waxa ay noqon doontaa Dowlad Goboleedka ugu horreeya ee laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo gaaray magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane...