SAWIRRO:Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo Isbahaysiga Tallaalka Adduunka ka dalbatay baahinta tallaalada cudurrada dilaaga ah.

Date:

Wafdiga ku matalaya Dawladda Soomaaliya Shirka Sanadlaha ah ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka oo ay hogaaminayso Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Fawziya Abikar Nur ayaa waxay ka qayb galeen shirrar waddatashi ah oo ay layeesheen hay’addaha u dooda helidda Tallaalo markasta.

Shirka koobaad oo wafdigu ay la yeesheen Isbahaysiga Tallaalka Adduunka ( GAVI ) ayaa waxaa looga hadlay siddii loo baahin lahaa Tallaalada cudurrada dilaaga ah (sida Gowracatada, Qoorgooyaha, Dabeysha, Qaaxada, Teetanada & Cagaarshowga) loona cirib tiri lahaa xanuunadan iyaga ah.

Intii Shirku socday waxaa aad looga hadlay siddii loo yarayn lahaa carruurta aan talaalayn; Sidoo kalana loo baahin lahaa helitaanka Tallaaka ka hortaga xanuunnada kala ah Oofwareenka iyo Qoorgooyaha ku dhaca Carruurta.

Oofwareenku waa cudurka koobaad ee dilla Carruurta ka yar 5 sano, sidaa daraadeed waa muhiim in laga hortago maadaama uu Sanadwalba xanuunkani dilo inka baddan 15 kun oo carruurteena ka mid ah.

Soomaaliya oo ka mid ah wadamada uu xanuunkani sida xoogan ugu dillo carruurta da’dodu ka yartahay 5 sano ayaa helitaanka talaalkani wuxuu leeyahay muhiimad gaar ah. Waxaana rajaynaynaa in sanadkan wixii ka danbeeya talaalkan la keeno dalkeena si ay uga faa’iidaystaan carruurteenu.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc lagu xoojinayo ka Jawaabidda masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax-dhigay dhismaha laamiga degmada Wadajir

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee la dagaallanka Gaajada

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Madaxwayne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleema saarka madaxweynaha Tanzania

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...