SAWIRRO:Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo Isbahaysiga Tallaalka Adduunka ka dalbatay baahinta tallaalada cudurrada dilaaga ah.

Date:

Wafdiga ku matalaya Dawladda Soomaaliya Shirka Sanadlaha ah ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka oo ay hogaaminayso Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Fawziya Abikar Nur ayaa waxay ka qayb galeen shirrar waddatashi ah oo ay layeesheen hay’addaha u dooda helidda Tallaalo markasta.

Shirka koobaad oo wafdigu ay la yeesheen Isbahaysiga Tallaalka Adduunka ( GAVI ) ayaa waxaa looga hadlay siddii loo baahin lahaa Tallaalada cudurrada dilaaga ah (sida Gowracatada, Qoorgooyaha, Dabeysha, Qaaxada, Teetanada & Cagaarshowga) loona cirib tiri lahaa xanuunadan iyaga ah.

Intii Shirku socday waxaa aad looga hadlay siddii loo yarayn lahaa carruurta aan talaalayn; Sidoo kalana loo baahin lahaa helitaanka Tallaaka ka hortaga xanuunnada kala ah Oofwareenka iyo Qoorgooyaha ku dhaca Carruurta.

Oofwareenku waa cudurka koobaad ee dilla Carruurta ka yar 5 sano, sidaa daraadeed waa muhiim in laga hortago maadaama uu Sanadwalba xanuunkani dilo inka baddan 15 kun oo carruurteena ka mid ah.

Soomaaliya oo ka mid ah wadamada uu xanuunkani sida xoogan ugu dillo carruurta da’dodu ka yartahay 5 sano ayaa helitaanka talaalkani wuxuu leeyahay muhiimad gaar ah. Waxaana rajaynaynaa in sanadkan wixii ka danbeeya talaalkan la keeno dalkeena si ay uga faa’iidaystaan carruurteenu.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...