Ciidamada DANAB oo howlgal ka dhan ah Argagixisada Al-shabaab ka fuliyey deegaano katirsan gobolka Baay.

Date:

Ciidamada Danab ee xoogga Dalka Soomaliya  gaar ahaan ururka 4aad guutada 16aad ayaa howlgalo ka dhan ah Argagixisada Al-shabaab waxa ay ka sameeyeen  degmada Buurhakaba  iyo degaano hoostaga kuwaas oo katirsan Gobolka Baay ee maamulka KGS.

 

Ciidamada ayaa intii ay wadeen howlgaladaan  sigaar ah waxa ay u  baarayeen Guryaha iyo Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee ka howlgala degmada Buurhakaba iyo degaanka Ceelbashiir oo 10km u jira degmadaas.

 

Saraakiil katirsan Guutada 16aad ee Kumaandooska DANAB ayaa sheegay in sidoo kale ay Ciidamadu howlgallo gaar ah ka fuliyeen dhulka howdka ah ee degmada Buurhakaba, halkaas oo mararka qaar lagu arko Maleeshiyaadka  Al-Shabaab .

 

Saraakiil katirsan Danab ayaa sheegay in ciidamada Baritaanadaan ku soo qabteen xubno lagu tuhmaayo in ay xiriir la leeyihiin maleeshiyaadka nafla-caariga ah ee Al-shabaab.

.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

Ururka 161-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya cutubka...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...