Wasaaradda Caafimaadka Puntland Oo Maanta qabatay Shirka Xiriirinta Dabagalka Xanuunada ka Gudba Xuduudaha .

Date:

Shir Hal maalin soconaya ayaa maanta ka bilawday wasaaradda caafimaadka kaasoo ay ka soo qaybgaleen shaqaale ka kala socda Wasaaraddaha caafimaadka, Hawlaha Guud, Garoomada iyo Dakadaha Puntland.

Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa loogu talagalay in la iska kaashado Dabagalka Xanuunada ka Gudba Xuduudaha, maadaama wasaaraddahaan ay ka shaqeeyaan loona xoojin lahaa wada shaqayntaas.

Dr Abraham Madaxa WHO Puntland oo furitaanka shirka ka soo qaybgalay ayaa yiri:-

“ Waxaan soo dhawaynayaa inaan idin kala soo qaybgalo shirkaan hal ka maalin soconaya balse macno badan leh looga wada hadlayo sidii wasaaradda caafimaadka iyo wasaaraddaha kale, waxaan rajaynayaa in aad maalinta aad joogtaan ka soo saartaan qorshe wada jiea oo la iskaga kaa shanayo sidii looga hortagi lahaa xanuunada xuduudaha ka gudba.”

Dr Ali Dhuh Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Guud oo isaguna shirka furay ayaa ka sheegay:-

“ Waxaan ku faraxsanahay idin kana mahadcelinayaa ka soo qaybgalkiina shirkaan aan idinku yeernay kaasoo looga hadlayo sidaan iskaga kaashan lahayn ka hortagida cudurada xuduudaha ka gudba kuwaasoo laga yaabee in qof xanuusan uu dalka yimaado iyada oo aan la ogayn kaasoo keeni kara xanuuno khatar keeni kara.”

“ Shirka maalinta soconaya waxaan rajaynayaa inuu wax wanaagsan ka soo baxo laguna guulaysto qorshaha aan ka wada shaqaynayno Insha allah.”

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Kormeer ku tagay mid ka mid ah Xarumaha laga bixiyo Kaarka aqoonsiga Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Howlgal lagu dilay xubno katitsan khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

WAR SAXAAFADEED Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo...

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka oo ka hadlay tabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee Soomaaliya Cabdiwali Timacadda, ayaa...

Masar oo xaqiijisay taageerada howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka ee Masar, Dr. Badr...