Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo u hambalyeey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud .

Date:

Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay ugu hambalyaynaysaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud doorashada loo doortay madaxwaynihii tobnaad ee Soomaaliya, waxayna rajaynayaan in ay kala shaqeeyaan isaga iyo kooxdiisa si loo horumariyo arrimaha mudnaanta qaranka leh, sida nabadda, amniga iyo xasilloonida, sanadaha soo socda.

Sidoo kale waxa ay bogaadinaysaa Madaxweynaha xilka kasii dagaya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ sida uu u ixtiraamay dhaqanka Soomaaliyeed ee ah in uu si deg deg ah u aqbalo natiijada doorashada, isla markaana uu u ballan qaado in uu garab istaagi doono Madaxweynaha bedelaya.

Sidoo kale, Qaramada Midoobay waxa ay ku ammaanaysaa guddoomiyeyaasha baarlamaanka Soomaaliya iyo ku-xigeennadooda, guddiga qaban-qaabada doorashada madaxweynaha iyo hawl-wadeennada xirfadlayaasha ah ee baarlamaanka, iyo sidoo kale ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee (ATMIS), sida ay u xaqiijiyeen in doorashadii Axadda ay u dhacdo si habsami leh, nabad iyo ammaan ah, taas oo natiijadeeda si buuxda loo aqbalay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...