Madaxweynaha Jubbaland oo soo xiray kulan wadareedka dardar galinta hiigsiga Xukuumadda “SAWIRRO”

Date:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta soo xiray kulan wadareedka dardar galinta hiigsiga Xukuumadad oo socday muddo sadex maalmood ah.

Kulankan oo ahaa mid golaha Xukuumaddu ay ku qaadaa dhigayeen hiigsiga Xukuumadda iyo qorshayaasha Dowladda ayaa waxaa lagu jaangooyay in isbadal muuqda lagu sameeyo shaqooyinka iyo howlaha ay hormuudka ka yihiin Wasaaradaha kala duwan ee Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland oo kulanka soo xiray ayaa tilmaamay in loo baahan yahay dhamaan qorshayaasha halkan lagu gaaray in si dardar leh loogu badalo shaqooyin joogto ah oo lagu bari taaro shaqada ay hayaan Wasaaradaha kala duwan, isagoo intaas ku daray in muhiimada kulankan ay tahay in wax laga badalo hanaankii hore ee Wasaaradaha ay ku shaqayn jireen, isla markana isla xisaabtan joogto ah lagu sameeyo howlaha baxaada leh ee Wasaaradaha ay qabtaan.

Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in guddiga shaqada iyo shaqaalaha ay mas’uuliyad ka saarantahay la xisaabtanka shaqaalaha dowladda, iyadoo la hubinayo habsami u socodka shaqada iyo joogtaynta gudashada waajibaadka cid walba saaran.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...