Khasaare ka dhashay qarax ka dhacay dalka Sweden

Date:

Qarax xoog badan oo ka dhacay dhisme apartment ah oo ku yaalla magaalada Goteborg ee dalka Sweden, kaasi oo booliska ay rumeysan yihiin inuu ka dhashay walxaha qarxa, ayaa dhaawacay ugu yaraan 20 qof, ayada oo boqolaal kalena lasoo daad-gureeyey.

Afhayeen u hadashay isbitaalka Sahlgrenska University Hospital, Ingrid Frederiksson ayaa sheegtay in 16 qof la dhigay isbitaalka ugu weyn magaalada Goteborg.

Afar qof oo ka mid ah – oo saddex ay yihiin haween da’ ah, iyo nin da’diisu tahay kontameeyo – ayaa laga daweynayaa dhaawacyo halis ah, sida ay sheegtay Ingrid Frederiksson.

Afhayeen u hadlay booliska, Thomas Fuxborg ayaa sheegay in illaa iyo hadda aan la ogeyn sababta dhalisay qaraxa, balse wuxuu taleefishinka TV4 u sheegay in dambi-baarayaasha ay rumeysan yihiin inuu ahaa ku talo-gal.

Fuxborg ayaa sheegay in dambi-baarayaasha ay eegayaan haddii qaar ka mid ah dadka deganaa dhismaha lagu beegsaday qaraxa.

“Waxaan tuhunsannahay in qof uu walxo qarxa uu dhigay dhismaha. Taas waa wixii aan maqalnay markii nalasoo wacay,” ayuu yiri Fuxborg.

Qaraxa ayaa abaare 5:00 am ka dhacay degmada Annedal ee bartamaha Goteborg, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Sweden. Dab ayaa ku faafay dhimsaha, waxaana weli socday damintiisa iyo gurmadka illaa 9:00 am.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Sweden Mikael Damberg ayaa wakaaladda wararka Sweden ee TT u sheegay ‘inay aad u xumeyd” inay arkaan burburka ka dhashay qaraxa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintii labaad

Waxaa maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho shirweynaha 3-aad...

Shirweynaha Haya’adda NIRA oo maalintii labaad ka socda Muqdisho

Waxa maalintii labaad ka socda Hoolka Teendhada Afisyooni ee...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo safar ugu baxay dalka Marooko

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS, Mudane...