Dhismaha wasaaradda Qorsheynta ee DFS oo loogu magac-daray AUN Xuseen Ceelaabe Faahiye

Date:

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta XFS oo ay wehliyaan Xildhibaano, Senatarro ayaa maanta ku dhawaaqay in dhismaha Daarta Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ay ku shaqeyneyso loogu Magacdaray Xuseen Ceelaabe Faahiye oo ahaa halyeey Wasaaradda waxweyn ka soo qabtay in badana ka soo shaqeynayay.

Munaasabadaan Ceelaabe loogu Magacdarayay daartaan ayaa waxaa goobjoog ahaa qaraabadda Marxuum Ceelaabe, Senatarro iyo Xildhibaano.

Maxamed Xuseen Hadi oo  lataliye u ah Madaxweynaha JFS qaraabana ay ahaayeen Xuseen Ceelaabe Faahiye ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin in dhismahaan maanta loogu Magacdaro Marxuum Xuseen Ceelaabe.

“Anaga oo ah qaraabada AUN Xuseen Ceelaahe aad ayaan ugu faraxsanahay in daartaan loogu magacdaro qofkasta oo dalka ka soo shaqeeyay ayna taariikhadu ay xusi doonto xumaan iyo wanaag wixii uu sameeyay,” ayuu yiri Maxamed Xuseen Haadi.

Senatarro iyo xildhibaano ka tirsan dowlada fadraalka Soomaaliya ayaa sheegay in talaabadaan ay dhiiri galineyso dadka nool ee dalka sida hagar la’aanta ah ugu shaqeeya.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta XFS Jamaal Maxamed Xasan ayaa sharaxay sababta dhismaha Wasaaradaan looogu Magacdaray Xuseen Ceelaabe Faahiye  Ceelaabe, isagoo sheegay inay u arkeen inuu yahay qofka ugu mudan mansabkaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa xalay la kulantay jawi...

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Munaasabad lagu taageerayay Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Urur Siyaasadeedka...

Madaxweynaha Shiinaha oo ku baaqay in Sirdoonka Macmalka ah (AI) loo adeegsado horumarka aadanaha

Beijing/Shanghai – 17 Luulyo 2026 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha,...

Guddoonka labada Aqal oo shaaciyay xiliga u furmi doono kalfadhiga 8-aad ee BJFS

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...