Barnaamij bulshada loogu baraarujinayay ilaalinta dhismayaasha Danta guud oo lagu soogabagebeeyay Cadaado

Date:

Dhismayaasha Maxkamada degmada Cadaado iyo dugsiga sare ee laga dhisaayo magaalada ayaa ka socda Wasaaradda arrimaha Guddaha Galmudug iyo kan degmada Cadaado oo iskaashanaya kuwaas oo gacan kahelaya Midiwga yurub.

Maamulka degmada Cadaado ayaa uqabtay barnamj wacyigalin ah 30 qof oo laga sooxulay qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada kuwaas oo kadooday qodobada kala ah wadashaqeynta bulshada iyo maamulka degmada Cadaado, lahaanshaha mashruuca, Maamul wanwanaaga, wacyigalinta bulshada ee mashruuca, iyo mas’uuliyada guddiga dabagalka mashruuca, sida gacan loogu siiheynlahaa mashruucyadan waxaana isla goobta looga dhawaaqay guddi 7 xubnood ka kooban oo lasocindoona dhameystirka iyo jiritaanka dhismayaasha.

Maxamuud Maxamed Wardheere oo kamid ah xubnaha looxulay dabagalka dhameystirka iyo jiritanka mashruucyadan iyo Sahro Cadaawe oo ah Guddoomiyaha haweenka Degmada Cadaado ayaa balanqaaday ineysan dayacmin dhismayaashan.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha degmada Cadaado Cabdulahi Cabdiraxmaan “Tootoole” ayaa sooxiray barnamijkan waxuuna ugu baaqay bulshada magaalada Cadaado iney ilashadaan Dhismayaasha danta guud kana faa’ideysatan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

18 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay Saakow.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar...

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...