Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyey geerida Suldaan Cumar Suldaan Maxamed

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada, bahda dhaqanka iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo ku geeriyooday dalka Turkiga.

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuum Suldaan Cumar Suldaan Maxamed uu ka mid ahaa tiirarka hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed ee doorka muuqda kasoo qaatay nabadda, xasilloonida, dib-u-heshiisiinta iyo adkeynta wadajirka shacabka, gaar ahaan bulshada ku dhaqan gobollada Waqooyi ee dalka.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Geerida ku timid Alle ha u naxariistee Suldaan Cumar Suldaan Maxamed waa geeri murugo leh, Suldaanku waxa uu ka mid ahaa hormuudka dhaqanka Soomaaliyeed ee dadaalka ku bixiyey nabadda, dib-u-heshiisiinta, midnimada iyo horumarka Ummadda Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

DHAMMAAD

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...