Wasaaradda Gargaarka Koonfur Galbeed oo tababar u furtay qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradaha “SAWIRRO”

Date:

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka Koonfur Galbeed Soomaaliya  oo faah faahiyay Tababar loo furey qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradaha Maamulkaas.

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa  Tababar Aqoon kororsi ah u furtay 35qof oo ka mid ah shaqaalaha Wasaaradaha Maamulkaas iyo Ururuda Bulshada.

Tababarkaan oo socon doono muddo labo cesho ah ayaa waxaa bixinaya khuburo ka socdo Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta iyo Musiibooyinka Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana diiradda lagu saari doono la tacaalidda iyo ka jawaabidda xaaladaha dabiiciga ah, sida Daadadka,Duufaannada, Guryaha dumay, Dab-kacay iyo wixii la mid ah.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka Koonfur Galbeed Mudane Diini Cabdinuur Maxamed oo la hadlay Radimuqdisho ayaa sheegay in sidoo kale la hirgelin doono Xarunta gurmadka deg-deg dowlad Goboleedk Koonfur Galbeed, isla markaana lagu xiri doono xarunta Gurmadka deg-dega ah ee heer Federaal.Waxa uu sheegay in sidoo kale la ballaarin doono xarumaha la tacaalidda Musiibooyinka dabiiciga ah, lana gaarsiin doono dhammaan Magaalooyinka Koofur Galbeed, tababarkaan uu yahay mid arrintaas lagu xoojinayo.

Ugu dambeyntii Agaasime Diini Cabdinuur Maxamed ayaa ku baaqay in muhiimad gaar ah la siiyo Barnaamijyada noocaan oo kale, isagoona u sheegay in deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ka mid yihiin meelaha ay inta badan ku soo laab-laabtaan Abaaraha, Fatahaadaha, Ayaxa iyo wixii la mid ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...