Wasaaradda Gargaarka Koonfur Galbeed oo tababar u furtay qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradaha “SAWIRRO”

Date:

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka Koonfur Galbeed Soomaaliya  oo faah faahiyay Tababar loo furey qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradaha Maamulkaas.

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa  Tababar Aqoon kororsi ah u furtay 35qof oo ka mid ah shaqaalaha Wasaaradaha Maamulkaas iyo Ururuda Bulshada.

Tababarkaan oo socon doono muddo labo cesho ah ayaa waxaa bixinaya khuburo ka socdo Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta iyo Musiibooyinka Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana diiradda lagu saari doono la tacaalidda iyo ka jawaabidda xaaladaha dabiiciga ah, sida Daadadka,Duufaannada, Guryaha dumay, Dab-kacay iyo wixii la mid ah.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka Koonfur Galbeed Mudane Diini Cabdinuur Maxamed oo la hadlay Radimuqdisho ayaa sheegay in sidoo kale la hirgelin doono Xarunta gurmadka deg-deg dowlad Goboleedk Koonfur Galbeed, isla markaana lagu xiri doono xarunta Gurmadka deg-dega ah ee heer Federaal.Waxa uu sheegay in sidoo kale la ballaarin doono xarumaha la tacaalidda Musiibooyinka dabiiciga ah, lana gaarsiin doono dhammaan Magaalooyinka Koofur Galbeed, tababarkaan uu yahay mid arrintaas lagu xoojinayo.

Ugu dambeyntii Agaasime Diini Cabdinuur Maxamed ayaa ku baaqay in muhiimad gaar ah la siiyo Barnaamijyada noocaan oo kale, isagoona u sheegay in deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ka mid yihiin meelaha ay inta badan ku soo laab-laabtaan Abaaraha, Fatahaadaha, Ayaxa iyo wixii la mid ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

Ururka 161-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya cutubka...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...