Turkiga iyo Qadar oo Taalibaan ka caawinaya dib u furista garoonka diyaaradaha ee Kabul

Date:

Dowladda Qadar ayaa Khamiistii sheegtay inay kala shaqayneyso Taalibaan sidii si dhaqso ah dib loogu furi lahaa garoonka diyaaradaha ee Kabul, oo xiritaankiisa ay keeni karto caqabado waaweyn oo istiraatiiji ah iyo kuwo bani’aadamnimo.

Garoonka Hamid Karzai ayaa xiran tan iyo markii ay ka baxeen ciidamada Mareykanka, waxaana diyaarad ka timid dalka khaliijka ee Qadar ay ahayd diyaaraddii ugu horraysay oo soo caga -dhigata caasimadda Afghanistan Arbacadii tan iyo markii daadgureyn xowliga aheyd la soo afjaray.

Diyaarad ka timid Doha ayaa ka degtay Kabul Khamiistii, iyadoo sidday khubaro baaritaan ku sameyn doona dhinacyada amniga iyo howlaha ku saabsan garoonka, sida laga soo xigtay ilo ku dhow arrintan.

“Waxaan weli ku rajo weynahay inaan si dhaqso ah u hawlgalin doonno garoonka diyaaraha,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qadar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman al-Thani, oo dalkiisu xiriir dhow la leeyahay Taalibaan oo la wareegtay gacan ku haynta Kabul 15-kii Ogosto.

Turkiga ayaa isna sheegay Khamiistii inay “qiimeynayaan” soo jeedinnada Taalibaan ee ku saabsan garoonka diyaaradaha, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda Mevlut Cavusoglu uu sheegay in amniga “gudaha iyo dibaddaba” ee garoonka ay tahay mudnaanta koowaad.

Sarkaal ka tirsan waaxda duulista rayidka ee Afghanistan ayaa u sheegay Al-Jazeera oo laga leeyahay Qadar in Kabul ay bilaabi doonto howlaha garoonka diyaaradaha “dhawaan’, wuxuuna intaas ku daray in duulimaadyada gudaha ay billaabanayaan maanta oo Jimce ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KMG koonfur Galbeed oo magacaabay Agaasimaha Guud Madaxtooyada

Hoggaamiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid...

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo Ankara ku soo gabagabeeyey kulamo muhiim ah

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Guddoomiye Ku-xigeenka Maaliyadda Gobolka Banaadir oo ka Qayb-galay Daahfurka Xarunta Shaybaarka Biyaha

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, Mudane Ciise...

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

WAR SAXAAFADEED Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo...