Jananka ugu sareeya ciidamada Mareykanka oo Taliban ku tilmaamay “koox arxan daran”

Date:

Janaraalka ugu sarreeya Mareykanka ayaa kooxda Taalibaan ku tilmaamay inay yihiin “koox arxan daran” isagoo sheegay in aysan kala caddeyn inay is beddeli doonaan iyo in kale.

Janaraal Mark Milley, ayaa yiri, si kastaba ha ahaatee, “waa suurtogal” in Mareykanka uu mintidiinta islaamiyiinta ah kala kaashado hawlgallada mustaqbalka ee lagula dagaallamayo argagixisada.

Ciidamada Mareykanka ayaa Talaadadii ka baxay Afghanistan, iyagoo soo afjaray dagaalkii ugu dheeraa ee Mareykanka ku qaatay 20 sano, kadib markii ay bilaabeen duulaan ay ku doonayeen inay dalkaasi kaga saaraan Taalibaan.

kooxda ayaa hadda gacanta ku haysa guud ahaan dalka, waxaana la filayaa inay ku dhawaaqaan dowlad cusub.

Gen Milley, iyo xoghayaha difaaca Mareykanka Lloyd Austin, ayaa markii ugu horeysay si wada jir ah fagaarayaasha uga jeediyay khudbad, tan iyo markii ciidamadii ugu dambeeyay ay ka baxeen Afghanistan.Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa si weyn loogu dhaleeceeyay sida kediska ah ee ka bixitaanka Mareykanka, taas oo horseedday burbur lama filaan ah oo ku yimid ciidammadii qaranka Afghaanistaan oo ciidamada Mareykanku ay tababarayeen muddo dheer.

Shirkii jaraa’id ee Arbacadii ay qabteen, Gen Milley iyo Xoghaye Austin, ayaa labaduba waxay ku ammaaneen ciidammadii ka soo shaqeeyay Afgaanistaan iyo hawlgalkii ballaarnaa ee daadgureynta.

Mar wax laga weydiiyay wada shaqeynta ay la leeyihiin Taalibaan ee ku aaddan sidii dadka looga daadgureyn lahaa garoonka diyaaradaha Kabul, ayaa Mr Austin waxa uu yiri, “Waxaan Taalibaan kala shaqeynaynay arrimo aad u adag, taasina waxay ahayd oo keliya, inaan intii aan awoodno aan dad badan dalka kaga bixino.”

Howlgalkii ka samata bixinta dadka ee Mareykanku uu ka waday Kabul ayaa soo idlaaday 31-kii Agoosto, waxaana maamulka garoonka diyaaradaha caasimadda Afghanistan ee Kabul gacanta loo geliyey kooxda dalka qabsatay ee Taliban.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hawlgal ka dhan ah Khawaarijta oo Shabeelaha hoose laga fuliyey

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay...

Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka oo kulammo doceedyo la yeelatay Madax kala duwan

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda...

Wasiirka Qorsheynta oo ka hadlay shirka Heer Wasiir ee Golaha Dhaqaalaha (ECOSOC)

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka...

Safiirka Soomaaliya oo tacsi u tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

New Delhi-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Hindiya, Dr....