Ciidamada PMPF-ta Puntland oo fuliyey howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab iyo Daacish

Date:

Ciidamada ilaalada Badda iyo Beriga Puntland ee PMPF  ayaa hawlgallo qorshaysan saacadihii la soo dhaafay ka fuliyey dhulka Buuraleyda ah ee ku yaalla gobollada Bari iyo Sanaag, gaar ahaan deegaanada Durduri, Ceelaayo, Dhadhaab, Warbid, Majayahan iyo Togga Dhagcaan.

Deegaanadaas waxaa la sheegay in mararka qaar ay weerarro ka geysan jireen kooxaha Argagixisada ah ee Daacish iyo Al-Shabaab.

War kasoo baxay Ciidamada badda Dowlad Goboleedka Puntland ee PMPF ayaa lagu yiri, “Ciidamada Badda Puntland ee PMPF waxaa markasta ka go’an u qareemidda shacabkooda, ka jiridda dhulkooda falalka liddiga ku ah horumarka, ka cidhibtiridda Baddooda Burcadda, Jiriifka, Mukhaadaraadka, Kalluumaysiga sharcidarada ah, Hubka kootarabaanka ah iyo waxkasta oo wadanka dhib ku ah.”

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada ilaalada Badda iyo Beriga Puntland ee PMPF ay howlgalkooda ku gaareen degaannada Durduri iyo Ceelaayo, halkaas oo la sheegay inay horay u joogi jireen Xubno ka tirsan kooxda Argagixisada ah ee Daacish iyo Al-Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee dalka Hindiya oo xabsiga ku booqday Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa...

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Xarunta Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Hodan oo ku soo baxday tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga Afar dhamaadka oo la sameeyay

Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

Ex-Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin oo dil toogasho ah lagu xukumay

Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin, ayaa lagu edeeyay dilka...