Wasiirka warfaafinta Galmudug oo sheegay in khasaare culus Al-Shabaab lagu gaarsiiyey Camaara

Date:

Wasiirka warfaafinta Galmudug  Axmed Shire Falagle ayaa faahfaahin ka bixiyey weerar ku bilaawday qaraxyo ismiidaamin ah oo Al-Shabaab ay waaberigii hore ee saakay ku qaadeen deegaanka Camaara ee koonfurta gobolka Mudug.

Wasiir Falagle oo wareysi siiyey Radio  Muqdisho ayaa sheegay in Shabaabkii saakay weeraray Camaara ay iska soo hor mariyeen gaadiid siday xoolo, kaas oo isku qarxiyey xerada ciidanka dowladda ay ka deganaayeen deegaanka.

“Laba gaari oo ay qarax ka soo buuxiyeen ayey saakay ku soo weerareen xerada, markii hore waa lagu sirmay oo gadiidka waxaa saarnaa Ari-dibaax (Ari jar ah) iyo haween ay xoog ku soo wateen, kadibna waxaa loo maleeyey gaari caadi ah oo magaalada u socda, balse waa is qarxiyeen, kadibna waxaa soo bilaawday weerar toos ah,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Galmudug.

Waxa uu sheegay in ciidanka dowladda ay iska caabiyeen weerarkii saakay, oo markii ay dib u riixeen kooxda duqeyn culus lala beegsaday, taas oo khasaare badan uu kasoo gaaray.

Dhanka dowladda waxa uu sheegay in shan askari oo hal sarkaal uu ku jiro ay uga geeriyoodeen dagaalka, halka dhanka Al-Shabaab uu sheegay in khasaaraha gaaray uu 100 dagaalame kor u dhaafayo, balse uu xaqiijinayo 60 dhimasho ah iyo dhaawacyo kale oo nolosha lagu qabtay, sida uu sheegay.

War kooban oo ka soo baxay Taliska Milatariga Mareykanka ayaa lagu xaqiijiyay inay maanta qaadeen howlgal ay ugu magac-dareen “is-difaac guud” oo ka dhan ahaa kooxda Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay deegaanka Camaara, waxayna shaaciyeen in qiimeynta hor-dhaca ah ay muujineyso in duqeymihii dhacay aysan wax ku noqon dad rayid ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...