Aqoon isweydaarsigan ku saabsan ka goโnaanshiyaha Qaran ee yareynta saameynta isbadalka cimilada iyo istaraatiijiyadda qarashka ku baxa Soomaaliya oo uu soo qaban qaabiyay Agaasinka Biiโada ee xafiiska Raโiisul Wasaaraha ayaa waxaa ka qeyb galay wakiilo ka socday wasaaraha bahwadaaga ay yihiin iyo marti kale oo lagu casuumay.
Tababarkan oo ahaa mid hal maalin ah ayaa waxaa aaladda fogaan arraga casharada ku bixinayay quburo ka tirsan xafiiska iyo hayโadaha kaabayao, waxaana lagu gorfeeyay sida loo yareyn lahaa saameynta isbadalka cimilada keenta iyo qorshe howlweed ay ugu talagaleen inay horgeeyaan shir la qorsheynayo in uu ka dhaco dhamaadka sanadkan dalka UK.
Cumar Faaruuq Cismaan oo ka socday NUSOJ ayaa kula dar daarmay ka qeyb galayaasha inay ka faaโiideystaan aqoon kororsiga, isla markaana ay ka qeyb qaataan qorshaha looga hortagayo xalufinta dhirka iyo saameynta ka dhalatay isbadalada cilimada.
Mudane Cabdirisaaq Maxamed Axmed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha ayaa xusay in dhibaatooyin badan laga dhexlay isbadalka cimilada, isla markaana loo baahanyahay in la helo qorshe arrinkaas wax looga qaban karo.
Agaasinka Biiโada iyo cimilada ee xafiiska Raโiisul Wasaaraha Mudane Axmed Yuusuf Axmed ayaa sheegay in ujeedka tababarka uu ahaa sidii loo heli lahaa dad loo diyaariyay hirgelinta qorshaha ku saabsan ilaalinta Biiโada.
Isbadalka cimilada ayaa saameyn ku reeba Soomaaliya, waxaana inta badan dalka ka dhaco abaaro, fatahaado iyo duufaanno dabeylo wata oo ku dhufta qaar kamid ah xeebaha dalka.

