Aqoon isweydaarsi ku saabsan go’naanshiyaha Qaran ee yareynta saameynta isbadalka cimilada oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Date:

Aqoon isweydaarsigan ku saabsan ka go’naanshiyaha Qaran ee yareynta saameynta isbadalka cimilada iyo istaraatiijiyadda qarashka ku baxa Soomaaliya oo uu soo qaban qaabiyay Agaasinka Bii’ada ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka qeyb galay wakiilo ka socday wasaaraha bahwadaaga ay yihiin iyo marti kale oo lagu casuumay.

Tababarkan oo ahaa mid hal maalin ah ayaa waxaa aaladda fogaan arraga casharada ku bixinayay quburo ka tirsan xafiiska iyo hay’adaha kaabayao, waxaana lagu gorfeeyay sida loo yareyn lahaa saameynta isbadalka cimilada keenta iyo qorshe howlweed ay ugu talagaleen inay horgeeyaan shir la qorsheynayo in uu ka dhaco dhamaadka sanadkan dalka UK.

Cumar Faaruuq Cismaan oo ka socday NUSOJ ayaa kula dar daarmay ka qeyb galayaasha inay ka faa’iideystaan aqoon kororsiga, isla markaana ay ka qeyb qaataan qorshaha looga hortagayo xalufinta dhirka iyo saameynta ka dhalatay isbadalada cilimada.

Mudane Cabdirisaaq Maxamed Axmed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha ayaa xusay in dhibaatooyin badan laga dhexlay isbadalka cimilada, isla markaana loo baahanyahay in la helo qorshe arrinkaas wax looga qaban karo.

Agaasinka Bii’ada iyo cimilada ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Axmed Yuusuf Axmed ayaa sheegay in ujeedka tababarka uu ahaa sidii loo heli lahaa dad loo diyaariyay hirgelinta qorshaha ku saabsan ilaalinta Bii’ada.

Isbadalka cimilada ayaa saameyn ku reeba Soomaaliya, waxaana inta badan dalka ka dhaco abaaro, fatahaado iyo duufaanno dabeylo wata oo ku dhufta qaar kamid ah xeebaha dalka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...