Wasaaradda shaqada oo joojisay heshiis ay kula jirtay shirkadaha gaarka loo leeyahay

Date:

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojisay gabi ahaan ba heshiisyadii ay kula jirtay shirkaddaha gaarka loo leeyahay ee ku shaqada leh in shaqaale Soomaaliyeed shaqo siin dibedda ugu diraan.

Wareegto uu soo saaray Wasiiru dowlaha Wasaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa waxa lagu baabi’iyey dhammaan heshiisyadii ay Wasaaraddu horay u la gashay shirkadaha gaarka loo leeyahay in ay Shaqaale Soomaaliyeed shaqo siin dibedda ugu dhoofin karaan.

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Mudane Cabdi Axmed Qaasim ayaa gaarsiiyay hay’addaha ay quseyso wareegtadani, isagoo dhinaca kale ka codsaday Heya’adda Socdaalka iyo jinsiyaddaha in aanay u ogolaan safar dhoof cid kasta oo ay uga shakiyaan in shaqo siin dibadeed darteed loo dhoofinayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Dhex

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa...

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq...

Xilheynta xilalka heer gobolka iyo degmo ee maamulka K/Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Soomaaliya ayaa...