Ra’iisul wasaare Rooble oo kumannaan daweyne ah kula Ciiday Muqdisho“Sawirro”

Date:

Muqdisho-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta booqday Xeebta Liido iyo Beerta Nabadda ee magaalada Muqdisho halkaas oo uu farxadda iyo damashaadka Ciidda kula qaatay kumannaan dadweyne ah oo u tamashle tagay.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa bulshadii uu la kulmay u rajeeyey nabad iyo farxad waarta, isaggoo kula dardaarmay inay kaalin ka qaataan horumarka iyo dib u dhiska dalkeenna.

“Waxaan maanta waqti la qaatay shacabka Soomaaliyeed ee farxadda Ciidda ku qaadanaya qaar ka mid ah goobaha lagu damaashaado ee caasimadda, Waxaan dalkeenna u rajeynayaa nabad iyo farxad waarta ciiddan iyo ciido badan oo xiga” ayuu yiri R/W Rooble.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...