Kulan looga hadlayay sharciyada Caalamiga ah ee la dagaallanka Musuq-maasuqa oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Date:

Kulankan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Cadaaladda ee Xukumadda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlayay wacyigelinta bulshada rayidka ah ee Siyaasadda iyo Sharciyada Caalamiga ah ee la dagaallanka Musuq-maasuqa, kaasi oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirasan Maamulka Gobalka Banaadir, xubo ka socda Ururrada bulshada rayidka, qaar ka mid garyaqaanada Soomaaliyeed iyo xubno ka socday Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed.

Axmed Xasan Yusuf Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaalladda oo ugu horeyn madasha ka hadlay ayaa sheegay in muhiimadda shirkan uu yahay sidii qeybaha bulshada faham buuxa looga siin lahaa la dagaallanka musuq maasuqa.

Qaar ka mid ah ka qeyb galayaasha shirka ayaa si xusay in si wada jir ah loola dagaalamo musuq maasuqa, ayna diyaar u yihiin inay gacan ku siinayaan hay’adaha ay quseyso.

Wasiirka Wasaaradda Cadaalladda iyo Garsoorka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in la dhisay guddi madax banaan oo la dadaallanka musuq maasuqa qaabilsan, isagoo intaa ku daray inay muhiimtahay  in dadku fahmaan dhibaatada musuq maasuqa uu leeyahay si looga adkaado.

Wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa xusay in kan Wasaarad ahaan ay furi doonaan xafiis qaabilsan qabashada dadka ka cabanaya musuq maasuqa, si wax looga qabto arrimahaas.

Dhawaan ayay ahayd markii guddiga Madaxa Banaan ee la dagaallanka musuq maasuqa doorteen guddoon cusub, si loo dar dargeliyo howlaha loo igmaday oo ay ugu horeyso baarista, dabagalka iyo ladagaallanka musuq maasuqa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Deegaanka oo kormeer ku tagay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Galmudug

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Booliiska Gobolka Banaadir oo xiray Askar ‘si sharci darro ah’ hub ugu dhex watay Muqdisho

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay 11 askari...

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay isu soo bax dadweyne oo doorashada lagu taageerayo

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre...