Ciidamada xoogga dalka oo tiro maleeshiyadA Al-Shabaab ka tirsan ku dilay Hiiraan

Date:

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan Guutada 5-aad Qeybta 27-aad ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo lagu burburinayo Argagixisada Al-Shabaab ka sameeyay Tuulada Quulaale oo u dhexeyasa Deegaanka Cali Ganeey iyo Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, halkaasi oo   ay ku dileen todobo ka tirsan maleeshiyada Argagixisada Al-Shabaab xili halkaas ay ku dhuumaaleysanayeen.

Saraakiisha hogaaminaysay howlgalka  ayaa u sheegay Warbaahinta Qaranka in Ciidamada Qalabka Sida ay ka warheleen in maleeshiyo  Al-Shabaab, ka tirsan ay Tuulada Quulaale ay ku abaabulayeen weerraro ay ku soo qaadaan degaanno hoostaga Degmada Maxaas, balse ay ciidamada halkaasi ka fuliyeen howlgallo qorsheysan oo ay ku laayeen dhagar qabayaal ka tirsan Al-Shabaab.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxda Haya’adda Qaxoontiga Qaranka oo xafiiskooda ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), Mudane Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh...

Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira

Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa...