Wasaaradda haweenka Soomaaliya oo maanta xustay 8 Maarso +Sawirro

Date:

Xuska maalinta caalamiga ah ee sideedda Maarso ayaa maanta looga dabaal degay meelo badan oo caalamka iyo Soomaaliya kamid ah, munaasabad maalintaas lagu weynaynayay oo Muqdisho lagu qabtay ayaa waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta xuquuqul Insaanka XFS.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay wasiir ku xigeenka wasaaradda Haweenka ahna ku simaha wasiirka, wasiir ku xigeenka waxbarashada xukuumadda Soomaaliya, xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, ururada haweenka, hal-doorka dumarka ee u ololeeyay xaqiijinta qoonddada dumarka ee 30% iyo marti sharaf kale.

Hal ku dhegga sanadkan ee xuska maalinta 8 Maarso ayaa ah, hogaamiyeyaasha haweenka waa in ay ku guuleystaan mustaqbal loo siman yahay iyadoo dunida la dagaalamayso cudurka COVID-19.

Mas’uuliyiintii ka qeybgashay xuska maalinta caalamiga ah ee sideedda Maarso ayaa waxay u hambalyeeyeen haweenka Soomaaliyeed ayagoo si gaar ah carrabka ugu adkeeyay ilaalinta qoonddada dumarka ee 30% ee baarlamaanka federaalka ku leeyihiin, sidoo kale waxaa laga hadlay wacyigelinta safmarka coronavirus.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan lagu soo dhaweynayo dhammaystirka Dastuurka dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan lagu soo dhoweynayay dhammaystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Kismaayo oo u gudubtay wareegga 3-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan

Degmada Kismaayo oo ka tirsan Gobolka J/Hoose ayaa u...

Fariinta Madaxweynaha JFS ee Maalinta Haweenka Adduunka

Hambalyo iyo bogaadin ayaan u dirayaa dhammaan haweenka Soomaaliyeed,...

Mas’uuliyiinta Gaashaandhigga XFS oo boogaadiyay kaalinta gabdhaha ee ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay...