Bulshada Xudur oo kacabanaysa ciriiriga ka jira helidda biyaha xareedda War-caday+(SAWIRRO).

Date:

Mootooyin iyo gaaridareemo ayaa saf ugu jira in biyo xareed ah ay ka dhaamiyaan War-caday oo ah isha keliya ee bulshada magaalada Xudur biyaha xareedda ay ka helaan.

Warta waxa biyaha banaanka uga soo saara nidaamka soolarka cadceedda ku shaqeeya iyo qalab kale ee loogu talagalay oo saacado kooban shaqeeya, mana dabooli karo baahiyaha looqabo biyaha xareedda, waana hal tubo oo ciriiri ah oo safaf dhaadheer loogu jiro sidii biyaha looga dhaansan lahaa.

Waa abaare tobanka barqanimo dadka iyo duuyada goobta taagan waxay saf dheer soo galeen lixdii aroornimo sida ay sheegeen ilaa hadana lama siideynin, sababtuna waxay tahay waxa la sugayaa inta cadceeda ka kululaanayso oo soolarada biyaha ugu shubayaan haanta.

Xuseen Xasan iyo Cabdulaahi Warsame Cali oo ah shaqaalaha gacanta ku haya maamulka  warta weyn ee War-cadey ayaa waxa ay ii cadeeyeen in ciriiri badan uu ka jiro, waxayna sabab uga dhigeen in dadka sida joogtada ah u dhaansada ay barkado ku kedsanayaan, wartana ay u baahan tahay in loo helo matoor weyn oo biyaha haanta qeybteeda sare gaarsiin kara.

Magaada Xudur waxay leedahay ceelal farabadan oo isugu jira ceel gacmeedyo iyo ceel matoor haseyeshee biyaha ceelashaan macaan ma ahan ee dhanaanka ayaa ku badan, sidaa darteed biyaha macaan ee ku jira War-caday waxa loo isticmaalaa cabdidad, cunto karinta iyo dhaqidda dharka, waxaana gudaheeda la dhigay baca biyaha keydiya, wasakhdana ka ilaalisa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

Ururka 161-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya cutubka...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...