Wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan yuusuf Cadaala oo hogaaminayo xubno masuuliyiin ah oo dadaalo dhax dhaxaad iyo hishiisìn beelo walaalo kawaday deegaanka xananbuure ayaa ku guuleystay in lakala qaado maleeshiyaad is hortaagnaa.
Masuuliyiinta ayaa saakay kormeer ku tagay deegaanka Olol oo dhanka koofur galbeed ku dhawaad 20KM ka xiga Xananbuuro oo ka mid ah goobaha ay maleeshiyadu ku signed.
Sidoo kale waxa ay tageen deegaanka Xinjilab oo isna dhanka woqooyi ka xiga ku dhawaad 20KM Xananbuuro halkaas oo ay ku sugnaayeen dhinaca kale.
Gudaha magaalada waxaan markii labaad si fool ka fool ah u kulansaday waxgaradka labada dhinac
Maanta oo sabti ah ayaa waxaan la filayaa inlaga soo saaridoonaa Go’aamo uhiilinaya nabadda
Wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta xukumadda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala ayaa uga mahadceliyay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) golaha wasiiradda Galmudug iyo wax garadka deegaanka siday ugala shaqeeyeen sidii dib loogu soo celin lahaa nabadda iyo walaalnimada
Ugu dambeyntii wasiir Cadaala ayaa Waxa uu baaq udiray dhamaan Waxgaradka, culumada, dhalinyarada, ganacsatada iyo haweenka kasoo jeeda deegaanka Xananbuure inay xoogooda isugu geeyaan sidii aanay mardanbe colaad nuucaan ah usoo laaban laheyn loona dawaynlahaa tabashooyinka Walaalaha.