Ciidanka Xoogga dalka oo cagta mariyay fariisimo maleeshiyada Al-Shabaab ku lahaayeen gobolka Gedo+(SAWIRRO).

Date:

Ciidanka Xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolka Gedo oo maleeshiyada Al-Shabaab ku dhibaateynayeen dadka xoola dhaqatada ah.

Ciidanka ayaa howlgalka si gaar ah uga fuliyay deegaanada Shaataloow iyo Kheydar kuwaas oo argagixisada Al-Shabaab si dhuumaaleysi ah dadka rayidka ah ugu dhibaateynayeen.

Dagaal kooban oo deegaanadaas ka dhacay ayaa ciidanka Xoogga waxay ku bur buriyeen dhammaan isbaarooyinkii u yaalay maleeshiyada Al-Shabaab, halkaas oo ay maalmihii u dambeeyay ku dhibaateynayeen shacabka isaga kala goosha degmooyinka Luuq, Doolow iyo Beled Xaawo.

Taliye Bakaal Kooke oo ka mid ah Saraakiishii hoggaamineysay howlgalkan ayaa sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab laga sifeeyay deegaanada Shaataloow iyo Kheydar oo muddooyinkii dambe dadka shacabka ay ku qabeen dhibaato xooggan.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa falalkooda gurracan ku soo koobay in ay carqaladeeyaan dadka rayidka ah, kuwaas oo iyagaba hardan ugu jira helida nolol maalmeedkooda.

Ciidanka Xoogga dalka ayaa gunta dhiisha isaga dhigay sidii ay argagixisada Al-Shabaab uga difaaci lahaayeen Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda danta yar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...

Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Dowladda Indonesia ayaa si cad u adkaysay taageerada ay...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal lagu tiro badan oo Khawaarij ah ka fuliyey Shabeellaha dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Golaha wasiirrada oo buriyey heshiisyadii lala galay Imaaraadka Carabta

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ku shaqeynaya...