James Swan oo la kulmay Madaxweynaha Puntland+(SAWIRRO).

Date:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay, Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ka midyihiin Madaxda Hay’addaha WFP, UNHCR iyo UNWOMEN.

Kulanka ayaa looga hadlayaa marxaladda uu dalku marayo, gaar ahaan arrimaha Siyaasadda, Doorashada iyo shaqooyinka Hay’addaha Qaramada Midoobey ka fuliyaan Puntland sida mashaariicda horumarin iyo kuwa bani’aadantinimo.

“Waxaan sidoo kale Ergayga gaar ka ah uga mahadcelinayaa kulankii gaarka ahaa ee aanu yeelanay sidii deganaanshaha Soomaaliya horumarka la rajeynayo dhinaca siyaasadda hore loogu qaadi lahaa, gaar ahaan arrimaha doorashada oo runtii ah arrimo maalmihii u danbeysay taagnaa, wax wanaagsan oo muujin kara inay hore u sii socon karto in la helo doorasho lagu wada qanacsanyahay, oo ay kawada qeybgalaan dhammaan qeybaha kala duwan ee Soomaaliya,.” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey James Swan wuxuu muujiyay sida ay Beesha Caalamka u dooneyso in wadahadal lagu dhammeeyo arrimaha doorashada si loo gaaro heshiis lagu hirgelinayo doorasho wadar ogol ah oo lagu wada qanacsanyahay, isagoo xusay muhiimada ay leedahay xoojinta xiriirka Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha xubnaha ka ah.

Dhinaca kale Wasiirada Arrimaha Gudaha, Qorsheynta, Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxda Hay’addaha WFP, UNHCR iyo UNWOMEN, kaasi oo looga hadlay sidii la isu waafijin lahaa qorshaha horumarinta Puntland ee shanta sano iyo qorsheyaasha u yaalla hay’addaha Qaramada Midoobey iyo sidii la isaga kaashan lahaa saameynta ay ka dhalatay COVID-19, Ayaxa iyo Duufaantii GATI.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Munaasabada xuska ciidanka Booliiska oo goordhow ka bilaaban doonta Muqdisho

Waxa maanta oo ah 20-ka bisha disember si weyn...

Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar

20-ka disember waa astaan ka mid ah maalmaha qaran...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY RA’IISUL WASAARAHA ITOOBIYA.

Addis Ababa, Diseembar 19, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Kalluumaysiga Soomaaliya oo Ankara kula kulmay dhiggiisa Turkiga.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda...