Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare oo ka hadlay marxaladaha uu dalka soo maray.

Date:

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ka hadlay Madasha Aragti Wadaaga ee Machadka Cilmi baarista Heritage ayaa ka sheekeeyay taariikhdii loo soo maray dowladnimada Soomaaliya.

“2006-dii dowladdii Soomaaliya waxa ay joogtay Baydhabo, Xamarna waxaa joogay maxkamadihii, waxaana ka soo dhaqaaqnay Baydhabo oo aan Xamar ku imaanaynay, Nabadda taalay dalkan cid qiyaasi karto ma jirto” ayuu yiri mudane Cabdi Xaashi.

“Shanta farood waxa ay isku heystaan hogaaminta gacanta, suulka waxa uu leeyahay sow ma aragtaan sida aan u kuusnahay iyo meesha uu Alle i dhigay, tan xigta ayaa hadashay, beni’aadamka marka uu dhaaranyo, aniga ayuu I fdiyaa, tan dhexda ayaa hadashay, oo tiri sow ma aragtaan meesha uu Alle i dhigay, tan xigta ayaa tiri aniga waxaa la igu aaminaa dahabka, tan u dambeysa ee far yareeyda ayaaa tiri quwad ma lihi, balse iska keey gooya hadaad quruxleedihiin, qurux iyo quwadda waxaan ku leenahay waa wada jirkeena” ayuu yiri Senator Cabdi Xaashi

Mudane Cabdi Xaashi ayaa tilmaamay in dalkeena uu dahanyahay balse si fiican aan looga faa’iideysan kheyraadka uu dalkeena leeyahay, isagoo intaa ku daray in dalalka shisheeye ay xog ogaal ka yihiin kheyraadka dhex ceegaaga Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi “Madaxda Soomaalida intee in leg ayay carruurtooda dalka Soomaaliya joogtaa, Soomaalida waxa ay tiraahdaa, saddex dhibaato lagaga mabaxo,  saddexdaas labo ka mid ah hadaan soo qaato, mid waxa weeye Tol aan towfiiq lahayn, haddii aan heshiis la ahayn, dee wax jiraa ma jiraan iyo tan kale oo ah madax aan turis lahayn, Ujeeddada aan ka leeyahay waxa weeye, waxaan filayaa Madaxda carruurtooda ka maqantahay ee aan joogin, inaynan u tureynin kuwa kale, ee danta kursigooda la ajligii inay wax ay doonan u sameynayaan”.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka NISA oo howlgal guuleystay ka fuliyay Hiiraan

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...

Safiirka Soomaaliya ee Tanzania iyo EAC oo laga guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ee dalka DRC Congo

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Tanzania iyo EAC Mudane...

Wasaaradda Ganacsiga oo bogaadisay tallaabada uu Golaha Shacabka ku ansixiyay heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha...

Soomaaliya iyo FAO oo ka wada hadlay sidii laysaga kaashan lahaa mashaariicda mustaqbalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha...