Kulan looga hadlaayay Dar dargelinta arrimaha doorashooyinka oo laga Qabtay Magaalada Dhuusamareeb+(SAWIRRO).

Date:

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo dib-uheshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,  oo uu Hogaaminayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Isaaq Maxamed Maxamuud.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa agaasimaha guud ee Wasaaradda arimaha gudaha Galmudug iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socday Galmudug iyo dowladda Federaalka.

Wasiir ku-xigeeenka Wasaaradda arimaha gudaha iyo dib-u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka waramay ujeedka socdaalkooda inuu la xiriiray arrimaha doorashooyinka, waxaana uu sheegay in loo baahanyahay in la dadajiyo hawlaha doorashada.

Madaxwayne ku-xigeenka Galmudud mudane Cali Daahir Ciid oo shirka soo xiray ayaa ugu horayn soo dhaweeyay Wafdiga ka socda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu hogaaminayo Wasiir kuxigeenka arimaha gudaha iyo dib-u-heshiisiinta Mudane Isaaq Maxamed Maxamuud, waxaa uuna ku dheeraday  muhiimadda doorashada,  u diyaar-garowga Galmudug ee ku aaddan howlaha doorashooyinka iyo daadajinta maamulka iyo dhismaha golaha deegaanka ee Degmooyinka Galmudug oo maraya meel wanaagsan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dekadaha XFS oo ka qeybgalaya shirka 34-aad ee Golaha Hay’adda Baddaha Adduunka.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur,...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Muqdisho ka furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magaalada Rabat kula kulmay dhiggiisa dalka Morocco.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo Booqday Xarunta Dhexe ee Warbaahinta Malaysia.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS,...