Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo qabatay kulan looga hadlayay ansixinta sharciga Xanaanada Xoolaha+(SAWIRRO).

Date:

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Xukumada Federaalka Soomaaliya ayaa  Muqdisho ku qabatay kulan looga doodayey ansixinta sharciyada Xanaanada Xoolaha.

Qodobada ku darista ama ka badalka u baahan si loo meelmariyi sharciyada Xanaanada Xoolaha oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya oo kaashaneysa Hay’adda midowga Afrika u qaabilsan Xoolaha  ayuu ku saabsanaa kulankan oo ay ka qeyb galayn masuuliyiinta Wasaaradda, xubno ka socday maamul goboleedyada iyo marti sharaf kale.

Agaasimaha guud ee  Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya Maxamed Cumar Nuur  ayaa  xusay In u jeedooyinka loo qabtay kulankan ay tahay sidii loo heli lahaa sharciyo wax ku ool ah oo ku saabsan Xanaanada Xoolaha.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya Cabdirisaaq Daahir Maxamuud ayaa ka qeyb galayaasha ku dhiirigaliyay inay si cilmiyeysan uga doodaan sharcigan oo uu tilmaamay inuu muhiim u yahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Buulo-burde oo u gudubtay wareegga afar dhamaadka ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan

Degmada Buulo-Burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa u...

Wasaaradda Batroolka XFS iyo West Virginia oo Iska kaashanaya Sahminta iyo Soo Saarista Macdanta Muhiimka ah

Wasaaradda Batrolka iyo kheyraadka Macdanta XFS iyo Gobolka West...

Wasiirka Qoyska XFS oo Geneva ku guddoomisay kulan la xiriiray Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud has returned to the...