Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo qabatay kulan looga hadlayay ansixinta sharciga Xanaanada Xoolaha+(SAWIRRO).

Date:

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Xukumada Federaalka Soomaaliya ayaa  Muqdisho ku qabatay kulan looga doodayey ansixinta sharciyada Xanaanada Xoolaha.

Qodobada ku darista ama ka badalka u baahan si loo meelmariyi sharciyada Xanaanada Xoolaha oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya oo kaashaneysa Hay’adda midowga Afrika u qaabilsan Xoolaha  ayuu ku saabsanaa kulankan oo ay ka qeyb galayn masuuliyiinta Wasaaradda, xubno ka socday maamul goboleedyada iyo marti sharaf kale.

Agaasimaha guud ee  Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya Maxamed Cumar Nuur  ayaa  xusay In u jeedooyinka loo qabtay kulankan ay tahay sidii loo heli lahaa sharciyo wax ku ool ah oo ku saabsan Xanaanada Xoolaha.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya Cabdirisaaq Daahir Maxamuud ayaa ka qeyb galayaasha ku dhiirigaliyay inay si cilmiyeysan uga doodaan sharcigan oo uu tilmaamay inuu muhiim u yahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...